Ciidanka FBI-da Maraykanka oo Danin Khimaayo ah u Dhigay Wiil Soomali

Portland (Haqayonews/dailymail)- Wiil Soomaali ah oo u dhashay dalka Maraykanka oo isku dayey inuu qarxiyo meel ay isku yimaadeen dad u dabaal dagayey ciidal miiladiga Christmas-ka, ayaa lagu qabtay maalintii Jimcaha dalka Marayikanka, gaar ahaan magaalada Portland oo ku taal Gobolka Oregon ee waddanka Maraykanka.

Wiilkan, ayaa ku dhawaaqayey markii uu isku dayey hawlgalkan kalmado ay ka mid yihiin ‘Allaahu Akbar’ Illaahaybaa weyn oo carabi ah. wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cisman Maxamuud da’diisuna ay tahay 19 jir, ayaa isku dayey inuu qaraxiyo meesha ay iskugu yimaadeen dad u dabaaldagayey ciidda sannadla ah ee Christmas-ka , laakiin waxa gacanta ku dhigay ciidamada dabibaadhista ee FBI, kuwaas oo ku daba jiray wiilkan intii uu hawlahan ku gudda jiray.

Ciidammada FBI, ayaa xidhiidh la sameeyey wiilkan, kadib markii ay iskaga dhigeen kooxaha xag-jirka ah ee ka jira waqooyiga/galbeed ee dalka Pakistan, kuwaas oo lala xidhiidhinaayo in uu wiilkani xidhiidh wada lahaayeen ilaa sannadkii 2009-kii.

Bamka uu wiilkani doonayey inuu u adeegsado qaraxa, ayaa waxa uu ahaa mid faalso, taas oo ay ka dambeeyeen ciidanka sirdoonka ee Maraykanku, kadib markii ay muddo dheer ka shakisanaayeen wiilkan, isla markaana ay daba dhigeen nin ka mid ah sirdoonka dalkaas si uu u hubiyo shakiga ku saabsan wiilkan. Waxa uu Mr. Maxamed Cismaan Maxamuud oo ah wiilka soomaliga ah ee hawshan loo tirinaayo gacanta lagu dhigay maalintii Jimcaha oo ahayd maalintii ay u dabaal dageen dadka Maraykanku ciida Christmas-ka, markaas oo ay saacada dalka Maraykanku ku beegnay 5:45 galabnimo.

“ninkan eedaysanaha ah waxa si cadho leh u doonayey inuu dhirbaaxo kulul ku dhufto dadka reer Oregon, kuwaas oo ay ka dambeeyeen dadka hawlahan ku lugta leh, wax sababa oo aanu ku rumaysano in ay sii socon karaan khataraha la xidhiidha kiiskan ma jirto ” waxa sidaas yidhi Xeer ilaaliyaha Maraykanka ee Dwight Holton.

Wiilkan oo u dhashay dalka Maraykanka, kuna nool magaalda Corvallis ee gobolka Oregon, isla markaana dhalasho ahaan ah nin Soomali ah, kaas oo ku eedaysan isku day ah inuu isticmaalay hubka waxburburiya, ayaa waxa maxakamadda la horkeeni doonaa maalinta Isniinta ee wiigan.

Mr. Holton, ayaa waxa uu maxakamadda Fadaraalka tusay dukumantiyo la xidhiidha arrinta wiilkan eedaysanaha ah, taas oo caddaymaha wiilkan lagu helay aay aad u soo shaac-baxeen bishii June ee sannadkan 2010-ka, ka dib markii wiilkan looga shakiyey inuu xidhiidh la leeyahay dagaalyahanada Waqooyi/galbeed ee Pakistan, halkaas oo ay aad ugu xoogan yihiin kooxaha Daaliban iyo Al-qacida.

Waxa ay sheegeen ciidammada Federalka in Maxamed uu xidhiidh la lahaa, isla markaana Email u diri jiray kooxaha ku sugan Pakistan ee xag-jirka ah, taas oo uu bilaabmay xidhiidhka uu lalahaa bishii August ee sannadkii 2009, waxaanay intaa raaciyeen in bishii December ee sannadkaa ay wiilkan iyo dadka uu xidhiidhka la lahaa isticmalaayeen kalmado sir ah oo ay iskugu gudbinaayeen Internetka, gaar ahaan bayjka loo yaqaano Email-ka, kuwaas oo ay sheegeen ciidammada FBI ee dalka Maraykanku in ay ka wada hadlaayeen arrimo la xidhiidha sidii uu wiilkani ugu gudbi lahaa dalka Pakistan, isla markaana uga qaybgali lahaa jihaadka ay wadaan kooxahaasi.

Waxa sidoo kale arrintan ka hadlay kalkaaliyaha xeer ilaaliyaha amniga ee dalka Maraykanka David Kris, waxaannu sheegay in Maxamed lagu eedeyey isku day qarax oo uu doonayey inuu ku fuliyo walxo uu uu u malaynaayey in ay yihiin bamamka loo adeegsado gaadiidka waa weyn, kaas oo uu doonayey inuu ku qarxiyo xaflad lagu xusaayey ciida Christmas-ka, waxaannu intaa ku daray in hawlgalkan ay u sahleen inay ka hortagaan hay’adaha amniga oo ka hawlgalay arrintan.

Waxaannay dhukumantiyadu la tusay maxakamadda Fadaraalku sheegtay in uu wiilkani halkii ka sii waday dedaalkii xidhiidh ee uu la lahaa kooxahaas ku sugan dalka Pakistan si uu ugu safro dalkaas, laakiin waxa uu khalad weyni ka dhacay farimihii ay isku diraayeen oo si khaldan ugu dhacay meel kale.

Dabayaaqadii bishii Junu, ayaa ciidammada danbibaadhista ee FBI ay Maxamed la sameeyeen xidhiidh, iyagoo iska dhigaaya in ay yihiin dadkii uu xidhiidhka fariimaha la samayn jiray. Waxaanay u direen rag ka mid ah wakaalada FBI oo iskaga dhigay wiilkan niman ka mid ah kooxaha uu xidhiidhka la samayn jiray.

Maxamed iyo wakiilkii qarsoon oo ka socda hayaddani waxay isla afgarteen inay 30 July ku kulmaan magaaladaa Portland. Waxa ay ka wada sheekaysteen wakiilkii qarsoonaa iyo wiilkani arrimo ku saabsan Jihaadka, sida ay faafisay maxakamaddu.

Maxamed waxa uu u sheegay wakiilka inuu doonayo inuu qarax aad u baahsan ka gaysto xaflada sannadla ah ee loogu dabaal dago ciida Christmas-ka, taas oo lagu soo bandhigio dhir ifaysa oo ay ku xidhan yihiin laydhadh xarunta ku taala Portland ee loo yaaqaano Courthouse Square, taas oo dhacayday maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa is raacay wiilkii iyo Wakiilkii, iyagoo qaatay baabuur iyo durbaano ay ku jiraan waxyaabaha qarxa, laakiin dhammaan waxyaabahii ay qaateen waxay ahaayeen faalso, arrintaas oo ay ka dambeyeen ciidammada FBI-du. Waxa ay u dhadhaceen xagga farasmagaalaha magaalada Portland, halkaas oo ay kula kulmeen nin kale oo isagu u sii kaxeeyey xaga tareenka laga raaco, isla markaana Maxamed u dhiibay telefoonka gacanta, kaas oo ay u sheegeen inuu ku qarxin doono waxyaabahan qarxaha marka ay u galeen xaruntii lagu dhigaayey dabaaldega, iyagoo la kulmay wakiil kale oo isna ka mid ah nimankii hawsha kula jiray.

Maxamed waxa uu garaacay telefoonkii ninka wakiilka ah ee uu hawsha la waday, kaas oo u sheegay in aanay qarxayn waxyaabahani, waxaannu u sheegay wakiilki inuu ka dago gaadhiga, isla markaana isku dayo inuu hubiyo signalka bamka, markii uu sidaas sameeyeyna waxa gacanka ku dhigay ciidanka.

Waxa isaguna arrintan oo kale loo qabtay bishii May ee sannadkan wiil la yidhaahdo Faysal Shazhad oo u dhashay dalka Pakistan, kaas oo isku dayey in uu adeegsado meel wado ah oo ay aad dad ugu mashquulsan yihiin, taas oo ku taala magaalada New York.

Waxa isaguna sidoo kale arrintan mid la mid ah loo xidhay wiil isna ka soo jeeda Pakistan da’diisuna tahay 34 jir, kaas oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay kooxda xag-jirka ah ee Al-qaacida.

Waxa isa soo taraysa cabsida ay ka muujinayaan ciidammada Maraykanku dhallinyarada ku kacaysa falalka noocan ah ee ka soo jeeda waddamada kala duwan ee adduunka, kuwaas oo xidhiidh aad u ballaadhan la leh kooxaha xag-jirka ah.

 kAYSE  Aden


 

SO


Jamhuuriya Online