Faransiiska oo Somaliland Cadaadis ku Saaraya soo Furashada Muwaadin lagaga haysto Muqdisho iyo in Budhcad-Badeeda Lagu Maxkamadeeyo Dalka

Waxa ku sugan Faransiiska madaxa sirdoonka Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhawaan tagaya

Paris (HAQAYONEWS) Paris () Dawladda Faransiiska ayaa cadaadis ku saaraysa Somaliland soo fura muwaadin lagaga haysto Muqdisho iyo in Budhcad badeeda lagu Maxkamadeeyo Somaliland.

Sidaana waxa sheegay  Wargeyska The Indian Ocean Newsletter oo ka soo baxa dalka Faransiiska, isaga oo intaa ku daray in Madaxa Sirdoonka Qaranka Somaliland, Mr. Xuseen Xassan Guuleed (Keenyaati) uu todobaadkii hore gaadhay caasimada dalka Faransiiska ee Paris. Booqashadan ayaa ka danbaysay markii magaalo-madaxda Somaliland soo gaadhay dhawaan wafti uu hogaaminayo Jack Lang oo arrimaha budhcad-badeeda kala taliya xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida uu wargeysku sheegay wuxuu Madaxa Sirdoonku Qaranka Somaliland la kulmay madax ka tirsan Sirdoonka Faransiiska(Générale de la Sécurité Extérieure{DGSE}) iyadoo sidoo kalana lagu wado inuu kulan la yeesho Jack Lang. Waxa sidoo kale casuumad rasmi ah loo fidiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed C/laahi Cumar oo dhawrka maalmood ee inagu soo aaddan booqasho ku tagaya Paris, oo ay ka wada hadli doonaan madaxda Faransiiska sidii wax looga qaban lahaa budhcad-badeeda iyo sidoo kale sidii loo sii dayn lahaa nin ka tirsan sirdoonka Faransiiska oo kooxda Al-Shabaab ay haysatay illaa iyo bishii July ee sannadkii 2009-kii.

Mr. Jack Lang oo la kulmay madaxweynaha Somaliland, ayaa uu wargeysku sheegay in qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu doonayay inuu ku qanciyo ka mid ahayd, sidii budhcad-badeeda gacanta ay ku dhigaan ciidamada badda ee gaadhka ka haya biyaha ku hareeraysan Somalia loogu xukumi lahaa gayiga Somaliland, taas oo ka danbaysay markii ay dhawaan Kenya ay joojisay in dhulkeeda lagu maxkamadeeyo budhcad-badeeda.