|
Hargeysa: Kabo Ku Dagaalanka Baalashlayaasha Iyo Duruufaha Dhaqaale Ee Haysta Hargeysa, July 19, 2010 - Haqayonews.com
Carruurta yar-yar ee kasoo jeeda xaafadaha dadka dayarta ah ku nool yihiin duruufo adag oo dhaqaale oo aad uga hooseeya heerka nololeed ee ay ku nool-yihiin dadka hantida lihi, taasina waa mid had iyo jeerba laga dareemayo duruufaha qalafsan ee barta madaw ku noqday muuqaalkooda nolaleed. Duruufaha qalafsan ee xagga nolosha ahi, waxay si gaara u hagaasiyeen Ciyaalka u shaqeeya waalidka dhalay siiba kuwa ay xirfaddoodu tahay inay nadiifiyaan (dhalaaliyaan) kabaha ee loo yaqaano Baalash-layaasha. dhanka kale dagaalka kurayda baalash-layaasha dhexmaraa kuma eeka oo kaliya kabaha, balse mararka qaarkood waxay isku qabsadaan gawaadhiga ay dadku soo dhigtaan meheradaha ay ka shaqaystaan hortooda, murankuna waxa uu ka dhashaa "anigaa maydhaya ee isaga leexo iyo hooyadaa u sheeg ee iska ilaali waa gaadhigii saaxiibkay oo waligayba anigaa u maydhi jiraye" Ciyaalka ay duruufaha qaabka darani qayrkood ka reebeen ee kabaha baalasheeya inta badan waxaa lagu arkaa iyaga oo ku dul meeraya goobaha ay dadku iskugu yimaadaan sida Makhaayadaha Shaaha iyo goobaha kale ee cabitaanka lagu sameeyo, si ay dadka meheradahaasi macaamiisha u ah ugu baalasheeyaan kabaha, kadibna ay uga helaan khidmadda yare ee shanta boqol ee Shillin. Ciyaalka Baalash-layaasha ahi waxay u badan yihiin Wiilasha sida qaalibka ah mana badna inay gabdhuhu kabaha baalasheeyaan ama ay gawaadhida maydhaan inkasta oo sanadkii hore suuqa Hargeysa lagu arki jiray gabadh yar oo gawaadhida masaxda ama maydha. Muuqaalka doorsoon iyo duruufaha madaw ee lasoo daristay nolosha baalashlayaasha kabaha dhalaaliya ee ku dhaqan magaalada Hargeysa dar-xumada dhaqaale waxaa u sii dheer iyaga oo mararka qaarkood ay foodda la galaan rabashado iyo dagaal kaga yimaada dadka aan macaamiishooda aan ka midka ahayn inta badan oo hiif iyo erayo aan naxariis lahayn ay kala kulmaan markay kabaha kala yara raagaan, iyada oo qofkaasi laga yaabo inuu markaa meel ku degdegayo ama uu saaxiibkii u soo diro Telefoon isaga oo leh ii kalaay iyo wax la mid ah Dhinaca kalena dagaalkaasi waxa uu kaga yimaadaa iyaga baalash-layaasha ah dhexdooda oo isku qabsada mararka qaarkood kabaha hadba qofka soo fadhiista meheradahaasi iyaga oo marka hore isha ku sii haya hadba qofka soo galaya ama soo fadhisanaya kuraasta halkaasi. Waxaanad arkaysaa iyaga oo ay laba baalashle isku hastaan qof kabihii oo midba dhinac jidanayo waayo waxaa hoos u dhacay dadkii kabaha baalashaysanayey kadib markii ay badatay camal la�aantii, islamarkaana beryahan dambe beryahan dambe busaaradi hadhaysay magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland oo dhan. sidaa darteed shaqo la�aantaasi dalka ku baahday waxay keentay inay baalash-layaashii yar yaraa isku qordiyaan kabaha dadka soo fadhiisanaya makhaayadaha shaaha laga cabo. Haddaba saacaddu waxay ahayd abbaaro 10:30 barqanimo ee shalay xafiiska Personal Computer Center ee magaalada Hargeysa hortiisa oo inta badan xarun u ah kooxaha baalash-layaasha ah ee kasoo jeeda xaafadaha dadka danyarta ah ay laba wiil oo dhawr iyo toban jiro ahi foodda isla galeen dagaal ka dhashay kabaha qof soo fadhiistay goobtaasi iyaga oo midwaliba niyadda gashaday inuu isagu ku aftaxo bilawga dakhliga kooban ee maalintii kasoo gala nadiifinta iyo dhalaalinta kabaha boodhka badan ee dhaska iyo ciidda Hargeysa la midab doorsoomay. Waxaana markii dambe labadii inan ee Baalash-layaasha ahaa lagu dhex-dhexaadiyey xeerka Baalash-layaasha Numberka 00.1 faqradiisa hooyadaa u sheeg.waxaana arinkooda ka odayeeyey baalash-layaashii kale ee goobtaa ku xaadirka ku ahaa. markii laga dhex nabadeeyey xaaladdu waxay ku soo laabatay sheekadii caadiga ahayd ee xeer baalashle kabihiina waxaa loo daayey midka mida labadii baalashle.
Source, baadiya.com
halkan kadhiibo afkaartaada
|