Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta  Warkii Hore

 

 

 

  

  

 

Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga oo Daboolka ka Qaaday in Lagu soo Durkay Xudduudihii Badda Somaliland

Read more-02-08-010 

Haqayonews.com

Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga oo Daboolka ka Qaaday in Lagu soo Durkay Xudduudihii Badda Somaliland

Waxa wasiirku ku tallo bixiyey in Fiiro loo yeesho bad-boobka hadda socda, wixii macluumaad ah ee arrintaa ku saabsana laga socdo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan baddaha

Hargeysa ()-Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha Md. Cali Maxamed Qoorseef, ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday in lagu soo durkay xuduudaha dhinaca badda Somaliland.

Md. Cali Maxamed Qoorseef oo ka hadlay xaflad uu shalay xilkii wasaarada ugu wareejiyey wasiirka cusub ee wasaarada kaluumaysiga, khayraadka badda & maamulka dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, waxa uu sheegay in lagu soo durkay xudduudaha badda Somaliland, isaga oo aan magacaabin dalka ku soo durkay xudduudaha badda iyo dhinaca lagaga soo durkayba, balse waxa uu tilmaamay in arrintaa lagala socon karo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan baddaha.

Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebuhu, waxa uu ku baaqay in fiiro loo yeesho bad-boob uu sheegay inuu hadda socdo, waxaanu tusaale u soo qaatay dawlada Kenya oo uu xusay inay qayb goosatay badda Soomaaliya

“Waxa muhiim ah in loo fiiro yeesho in xuduudii badda Somaliland lagu soo durkay oo wixii macluumaad ah ama codsiya waxa lagala soconayaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Baddaha,” ayuu yidhi wasiirka xilka wareejiyey Md. Cali Maxamed Qoorseef.

Wargeyska Jamhuuriya, ayaa bishii April ee sannadkan daabacay war ka hadlayey in dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ay si weyn ugu mashquulsan tahay qorsheyaal dhul-ballaadhsi oo ay ku doonayso in ay kula wareegto qaybo ka mid ah badda Somaliland, gaar ahaan xeebaha degaanka Saylac, iyada oo la xaqiijiyey inay qoraal arrintaas ku saabsan si qarsoodi ah ugu gudbisay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland ee shalay xilka wareejiyey Cali Maxamed Qoorseef oo xiligaa Jamhuuriya weydiiyey wax ka jira wararka sheegaya in Jabuuti damacsan tahay inay la wareegto qaybo ka mid ah badda Somaliland, waxa uu sheegay in aanay xukuumad ahaan wax war ah ka hayn qoraalka la sheegay in Jabuuti u gudbisay Qaramada Midoobay ee ku sheegaynayso badda Somaliland, balse waxa wasiirku xusay inay wasaarad ahaan hayaan qoraal ku saabsan heshiis dawladda Kenya kula wareegayso qaybo ka mid ah badda Soomaaliya ee uu u saxeexay Sheekh Shariif, kaas oo Qaramada Midoobay 13 March 2010 horjoogsaday meelmarintiisa, kadib markii baarlamaanka Soomaaliya diiday. Isaga oo Md. Qoorseef aanu xiligaa beenin isla marakana qirin jiritaanka arrintaa, basle xafladii uu shalay xilka ku wareejiyey ayuu daboolka kaga qaaday in lagu soo durkay xudduudaha badda Somaliland.



Jamhuuriya Online

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 Haqayonews facebook

Haqoyonews Warside

Online now

 

 

 

 

 
Haqayonews.com (R) 2009 haqayo news Agency( All Rihts Reserved      Free counter and web stats
ONELINE Free counter and web stats

OGAYAYSIIS OGAYSIIS wararkii hore ee ku dhaafay markale ka akhriso BOGA Sare- Warkii hore-