Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta Haqoyonews Warside

 

 

 

  

  

 

 

Beesha Ayuub oo ku mudaharaaday Xukuumadda Siilaanyo soo dhisay oo ay ka waayeen Wasiir uu ugu balan qaaday   Read more -29-07-010

 

Hargeysa(Haqayonews.com)Dadweynaha Xaafadda Isha Boorame ee Magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda Beesha Ayuub ayaa maanta ku mudaharaaday Xukuumadda uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Siilaanyo

Dadweynaha Xaafadaasi ayaa saaka gadooday, waxaanay Taayiro ku gubeen Jidka Xaafadaasi taga, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lidi ku ah Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, oo ay ku tilmaameen inay tahay mid aan si hufan loo soo dhisin

Beesha Ayuub ayaa si weyn uga cadhootay sababta Madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabai waayay Wasiir iyagoo qaar ka mid ah dadweynihii mudaharaadayay ay sheegayeen inuu kaga baxay Beesha Wasiir uu ugu balan qaaday inuu u magacaabayo, iyagoo sheegay inay ku khasaareen taageeradii ay beeshu siisay, oo in badan Mucaarad ku ahayd Xukuumaddii Rayaale

Ciidamo badan oo Booliis ah ayaa ka hortagay dadkii Mudaharaadayay waxaanay qab-qabteen qaar ka mid ah oo ay xabsiga u taxaabeen isla markaana waxay baabi’iyeen taayiradii iyo dhagaxaantii ay wadada ku jareen

Talaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee beel ka mid ah beelaha Somaliland ay kaga hor yimaadaan Xukuumadda Siilaanyo ee shalay uun lagu dhawaaqay, iyadoo ilaa shalayna ay jiraan cabashooyin badan oo lagu saluugsan yahay qaabka loo soo qaybiyay Xubnaha Wasiiradda ah ee Xukuumadiisa

 

waaheen

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haqayonews.com (R)2009 � News Agency �                                         

 

                 

nn
onle Free counter and web stats