Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta  Warkii Hore

 

 

 

   ogaysiis ogaysiiS warkii hore ee ku dhaafay markale ka  akhriso halanka. Haqayonews.com

  

 

Maxkamadii Ku Socotay Cali Samatar Oo U Gudubtay Marxaladii 4-Aad Iyo Qareenadii Dacwada Ku Oogayay Oo Dhowaan Somaliland Imanaya

 

Read more-05-08-010

 

 

Haddii Aanay SNM Taariikh Ahayn Ma Garanayo Waxa Taariikh Noqon Kara, Dad Badan Baa Marka SNM La Soo Qaado Sas Ka Qaada” C/Casiis Maxamed Cali-Iid

Hargeysa, August 5, 2010- Maxkamadii sare ee dalka Maraykanka ee ku socotay gacan ku dhiigle Cali Samatar oo ahaa wasiiirkii Difaaca dawladii Siyaad Barre oo isagu  bixiyay amarkii lagu xasuuqayey dadkii rayidka ahaa ee reer Somaliland, ayaa imika u gudubtay marxaladii afraad ama maxkamadii afraad, waxaana la filayaa in muddo laba bilood gudahood ah ay dalka ku yimaadaan qareenadii dacwada ku oogayay Cali Samatar.

C/casiis Maxamed Cali-iid oo ka mid ah labada muwaadin ee reer Somaliland ee kiiska kaga oogay  dalka Mareykanka gacan ku dhiigle Cali Samatar ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Adams Inn ee magaalada Hargeysa, waxa uu C/casiis ka waramay heerarkii kala duwanaa ee maxkamada Cali Samatar soo martay iyo heerka uu haatan marayo,  waxaana uu sheegay in caqabado badan kaga yimaadeen dawlada Sheekh Shariif ee Somaliya iyo dadka reer Somaliya ee degan Mareykanka, hase ahaatee aakhirkii ay ka guuleysteen kooxahaas isla markaana ay suurto gashay in Cali Samatar la hor keeno maxkamada ugu sareysa Mareykanka.

C/casiis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,  “maxkamada sare waanu ku guuleysanay inay kiiska dhageysato, ilaa saddex maxkamadood ayay soo martay, hadda waxaanu galaynaa marxaladii afraad, waxaan halkan (Somalilland) u imid si aan cadeymo dheeraad ah u helo, waxa qorshaysnayd in qareenadii kiisku i soo raacaan laakiin taasi way suurto gali weyday oo qareenada ayaa kiiska woxogaa cago jiid ah ka sameynayay, laakiin laba bilood gudahood ayaa laga yaabaa inay ku yimaadaan, waan u tagay Komishanka xasuuqa, si aan u diyaariyo waxay looyaradu u baahan yihiin. Xafiiska Komishanka Xasuuqa waxa ka muuqata qabyo farabadan oo kaalmo lacageed xukuumadu ma siin jirin, waxay ii sheegeen inay hayaan ilaa 50 cajaladood oo dadka laga ururiyay, umad dhan oo la rogay oo dhib badani ku dhacday oo haddana taariikh sugan oo qoran aan la helin waa musiibo weyn. Waxa loo baahan yahay in la sameeyo meel lagu keydiyo wixii macluumaad ah ee ku saabsanaa xasuuqii dalkeena ka dhacay. Waxan ku talinayaa in dadka shicibka ah iyo shirkadaha reer Somaliland gacan ka geystaan isku duba ridka xafiiska xasuuqa. Waan ka xumahay in SNM la yidhi lagu qori maayo buugaagta iskuulada lagu dhigto, haddii aanay SNM taariikh ahayn ma garanayo waxa taariikh noqon kara, dad badan baa marka SNM la soo qaado sas ka qaada, waa in ardayda iskuulada lagu baro taariikhda SNM ilaa hawlgaladii dhacay waa in la qoraa, waana in la siiyo mujaahidiintu waxay xaq u leeyihiin, imika nimankii reer Somaliya way baryootamayaan oo waxay leeyihiin ninkii wuu bukaa ee ha la saamaxo, anagu waxaanu ku nidhi, umadda reer Somaliland oo dhan buu dambi ka galay anagu ma saamixi karo, waxa jirta in kiiskani yahay mid aan dambiyeed ahayn, anagu waxaanu rabnay in kiis dambiyeed (Criminal case), lagu qaado, laakiin taasi way noo suurto gali weyday, Mareykanka laftiisa ayaa soo galaya kiiska oo hub iyo saanada way u soo dejin jireen Siyaad Barre markaa waxay ila tahay iyaga laftooda ayaa ka cago jiidaya, markaa hadday dambi ciqaabeed ku qaadi lahaayeen iyaga ayaa isku baqay,waxa jirtay in Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanku ay taageertay Cali Samatar waayo waxay diidanaayeen inay soo baxdo xidhiidhkii ka dhexeeyey Mareykanka iyo Siyaad Barre. Markii kiiskaasi noo suurto gali waayay waxaanu nidhi, anagu dhibanayaal baanu nahay oo xuquuqdayadii baa meel lagaga dhacay, ujeedada ugu weyn ee aanu leenahay waa in ninkan la soo joojiyo maxkamada horteeda oo la weydiiyo su’aalo ku saabsan doorkii uu ku lahaa xasuuqii dalka ka dhacay wuxuu ka ogaa, dayuuradihii laga soo kireystay South Africa ee maatida lagu laayay iyo hubkii badnaa ee umadda lagu foorariyay, markaa wuxu ku khasban yahay inuu ka jawaabo su’aalahaas oo dhan. Waxa jiray dad naga fidiyay dacaayad oo leh lacag bay doonayaan, arrintaasi waxba kama jiraan waayo isaga ayaaba loo ururiyaa lacagta kiiska. Intii aanu kiiska ku jiray waxba naloolama hadhin hadday noqoto dadka reer Somaliya iyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Sheekh Shariif. Imika wuxu ciyaarayaa Cali Samatar dib u riixista kiiska (delay tactics) wuxuuna ku mar marsoonayaa kalyaha ayaa i fadhiistay ee bani’aadamnimo ha la igu daayo, taas baana keentay in qareenadu dib u dhacaan. Cali Samatar isagaa afkiisa hore uga qirtay oo yidhi, anigaa bixiyay amarkii ciidamadu ku galeen wakhtigaasi gobolkii la odhan jiray Woqooyiga Somaliya (Somaliland) markaa dambigu wuu ku cad yahay Cali Samatar ama madax ha xanuuno ama kalyo ha xanuunaane laga saamixi maayo”  Ayuu yidhi C/casiis oo saxaafada la hadlayay.

Dhanka kale C/casiis waxa kale oo uu sheegay inay sameyn doonaan urur ka hawl gala siddii Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalami ah, ururkaas oo ka shaqeyn doona siddii dawladaha reer galbeedka looga dhaadhicin lahaa qadiyada Somaliland. Waxa kale oo intaa uu ku daray inay Golaha Wakiilada u gudbin doonaan qoddob cusub oo lagu dari doono shuruudaha lagu xidho qofka doonaya inuu madaxweyne dalka ka noqdo, qoddobkaas oo ah in aanu qofka xilka madaxweynenimo doonaya aanu ka qayb qaadan ciidamadii milatariga, sirdoonka iyo bileyskii Siyaad Barre.

Ugu dambeyntii C/casiis waxa uu umadda reer Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawlada cusub ee Madaxweynaha Somaliland soo dhisay isla markaana ka fogaadaan inay sabab uga dhigaan hab qabyaaladeed

 

 

Haqayonews.com

 

haqayonews@hotmail.com

kayse aden-  Hargeisa -Somaliland

 

 

 

 

 

 
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 

Hambalyadaan Arooskii Hadraawi .e

Waa Qalinkii Rashid Xaji Ibrahim Naleye ( Rashid Dheere

 

Sheekh Dirir

 

Sheekh Dirir

Wuxuu ka waramayaa safarkiisa Europe.

Maqal   bbc

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 Haqayonews facebook

Haqoyonews Warside

Online now

 

 

 

 

 

 
www.haqayonews.com-2009(R) all Rahts Reserved- web desing By: Eid Aden