Dagaallada Muqdishu
Qof ayaa isku qarxiyay, mid kalena rasaas ayuu ku furay hotel Muna oo ku yaalla Muqdisho oo ay degannaayeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhintay.
Hotelka oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxa degan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxa ku jira lix xildhibaan iyo shan saraakiisha dowladda ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga weerarka ku qaaday hotelka ay muddo gaaban ku dagaallamayeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dagaalladii shalay ayaa haddana saaka mar kale dib uga bilaabmay degaanno ka tirsan magaalada Muqdishu, waxana la rumaysan yahay in dhimashadu kor u dhaaftay ilaa 20, dhaawacuna 90
Gaar ahaan degmooyinka Boondheere iyo Shibis ayaa lagu soo warramayaa in dagaallada saaku ay u badan yihiin. Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberina waxa laga maqlayaa madaafiici culculus.
Xalayna waxa la sheegay in meelo badan oo ka tirsan magaalada la isku weydaarsanayey taxshiirado goosgoos ahaa.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda.
Labada dhinac ayaa ku dagaallamaya xaafadaha ay ka mid yihiin Wardhiigley iyo Hawl wadaag.
Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda ayaa weeraray fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa ahlu sunnah.
Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahimm Macalimu, wuxuu sheegay in dagaalku uu yahay dagaal u muuqda mid culus oo saameeyay meelo ay ka mid tahay wadada Maka al-Mukarama.
Dagaalka bilaabashadiisu waxay isku soo beegmay iyadoo afhayeenka al-Shabaab oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho uu ku sheegay in ay bilaabeen dagaal ballaaran oo ay kaga taqalusayaan kuwa ka soo horjeeda, oo uu ula jeedo dowladda ku meelgaarka ah, Ahlu Sunnah iyo ciidamada midowga Africa oo dhinac ka soo wadajeeda









