Wasiirada Arimaha Gudaha,Duulista Hawada, Warfaafinta oo ka hadlay waxa keenay Xayiraada Diyaarada
Shir jaraaid oo ay wada qabteen Wasiirada Arimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Duulista Hawada Maxamuud Cabdi Xaashi, Warfaafinta iyo wacyi galinta Maxamed Cabdilaahi Jamac Geeljire ayey faahfaahin kaga bixiyeen diyaaradii maanta lagu qabtay madaarka Hargaysa International Airport.
Wasiiradan oo galabta Shirka jaraaid ku qabtay dhismaha Wasaarada Arimaha gudaha waxaa ugu horayn arintaasi ka hadlay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu sheegay in masuuliyada inga saarantay ilaalinta amaanka wadankeena iyo kuwa aynu jaarka nahayba taas oo uu ku timlmaamay in diyaaradan maanta la xayiray iyada oo hawada maraysa ayaa la aqoonsaday in ay diyaaradani ogolaanshiiyo u haysan in dalka fadhisato taas oo uu sheegay in markay hawada maraysay la aqoonsaday in ay tahay diayarad ku socota Somalia taas oo uu sheegay in duuliyuhu yidhi shidaal ayaanu u baahanahay sidaasna ay ku soo fadhiisatay.
“Arinta ugu Wayn ee lagu haystaa diyaaradani waa ogolaanshiiyo laan iyo qalab mamnuuc ah oo ay sidao oo waliba shaki leh , Somalia waxaa ka mamnuuc ahnoocyada hubka iyo waxa caawin kara oo dhan , hadalkana ka hor dhicimayno odhana mayno dambi ayey ku jirtaa marka baadhitaanku dhamaado ayuunbaa la sheegi karaa,goaana xukuumadu ka qaadanaysaa hadii dambi lagu waayona la sii daynayaa,hadii dambi lagu helona sharciga ayaa la marin doonaa”
Wasiirka arimaha gudaha Gaboose oo isna arintan ka hadlay aya waxa uu sheegay in ay tidhi diyaaradu waxaanu sidnaa Dhar iyo qalab gawaadhiyeed markii la yidhi na tusna ee la baadhayna wax qalabkaa ay sheegeen oo ku jiray meesha may jirin waxaanuu ka sheegay ayuu yidhi been arintaas , waxaana arintas horjeedkeeda laga helay qalabka ay ciidamadu isticmaalaan,alaabtan waxay ka timid South Africa waxaanay ku socotay Bosaaso , sidoo kalena waxay soo fadhiisatay Ugandha oo kastamka Ugandha ayaad aragtaan shambadadiisii ayuu yidhi Gaboose.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdilaahi ayaa isna walaac ka muujiyey arinta sheegayn in aanay ka hordhacayn bal se ay marag u tahay wixii ay ka hadlaayeen ee ahayd hub ayaa loo gurayaa aanay caalamku isla ogayn Puntland .
haqayonews.com
Warqabadka Togaherer
Hargaysa. |