Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta  Warkii Hore

 

 

 

   WAR DEG DEGA: dawlada Maraykanka oo dad cusub oo soomaliya ku soo googtay dacwad ah taageero argagixiso warkoo dhan  kala soco  haqayonews.com

  

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Beesha Caalamka u Gudbinaya Guulaha Dimuqraaiyadeed ee Somaliland ku Tallaabsatay

warkoo dhan-06-08-010

 

London (Haqayonews.com)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Boqortooyada Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar oo booqashadiisii u horraysay ee dalka dibada uga baxo ku jooga dalka Ingiriiska, sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com waxa uu shalay xarunta Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale.

Waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay mid sumad gaar ah ugu astaysan marka la eego doorashooyinka ka dhaca waddamada soo koraaya ee aan wali dhaqanka dimuqraadiyadu ku xididaysan.

Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla maamulka cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ku tilaamay inay yihiin hawlo baaxad wayn leh oo iskaashi caalami ah u baahan.

Waxaanu wasiirka arrimaha dibeddu xusay in halwha horyaal xukuumada cusub oo ay ka mid yihiin kuwa nabaadgalyo, baahi biyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale, kuwaasi oo uu xusay inay dhammaantood u baahan yihiin hawlagallo dawladeed oo degdeg.

Waxaa kale oo uu Dr. Maxamed tibaaxay qorshayashaayasha dawladooda ay ku wajahayso wax ka qabashada baahida dalka ee uu ka hadalay. Wuxuu soo jeediyay qorshayaal muujinaya qaabka dawladoodu ku talo jirtay inay wax kaga qabatao arrimahan oo taabanaya dhinacyo kala duwan.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar intii aanu toddobaadkan ka soo ka ambabixin magaalada Hargeysa, waxa uu qasriga madaxtooyada Somaliland kula shiray wefti culus oo ka socday deeqbixiyayaasha caalamka, madax ka socdau Banigga Adduunka iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, isaga oo wasiirku xusay inuu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida

 

 

haqayonews.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 

 

Obma oo la waydiiyay su, aal ku saabasan arimaha Somalia

halkan ka dhagayso(voa)

 

 

Hambalyadaan Arooskii Hadraawi .e

Waa Qalinkii Rashid Xaji Ibrahim Naleye ( Rashid Dheere

 

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 Haqayonews facebook

Haqoyonews Warside

Online now

 

 

 

 

 

 
www.haqayonews.com-2009(R) all Rahts Reserved- web desing By: Eid Aden