Madaxwaynaha Uganda Walaalkii Oo La Sheegay In Uu Ka Dambeeyo Ciidamada Calooshood U Shaqaystayaasha Ah Ee Puntland Keensatay

Hargeysa, December 8, 2010 (Haqayonews.com) - Waxa dhawaan soo ifbaxay in ciidan calooshooda u shaqaysta oo ay ka dambayso shirkad la magac baxday Saracen International, Pierre Prosper diblomaasi hore ugu shaqayn jiray State Departmentka USA iyo nin sidoo kale sarkaal ka ahaa CIA-da Maraykanku inuu soo degay meelo ka mid ah Puntland.  Qayb ka tirsan ciidankan ayaa isna la sheegay inay ka hawlgalaan madaxtooyada Somalia ee Sheikh Sharif.  Ciidankan oo sida la sheegay aad u hubaysan xataa ilaa 5 diyaaradood wata ayaa laga warqabaa inuu qorshuhu yahay inay Puntland u tababaraan una hubeeyaan askar ka badan 1000 askari oo qaarkood durba hawl galeen.

Ciidankan oo laga yaabo inay fadhiisamo ka dhigtaan dhul ku yaal gudaha Somaliland ee bariga Sanaag ayaa lagu tilmaamay mid la dagaalamaya budhcad badeeda hase yeeshee runta soo ifbaxaysaa ay tahay inay ilaaliyaan goobo macdan iyo shidaal lagu ogyahay.  Waxana sida la sheegay maalgeliya dal carbeed oo la filayo inuu yahay Kuwait.

Waxa kale oo soo ifbaxay imika in hawshan uu ka dambeeyo nin ay walaalo yihiin madaxweynaha dalka Uganda Musaveni oo isagu wakiil u ah Saracen.

Dawaladda Maraykanku waxay caddaysay inaanay ciidankaa lug ku lahayn kana walaacsan yihiin sida uu u abuurmay, ujeedadiisa iyo xadgudubka uu ka samayn karo cunaqabatayntii hubka ee UN-ta saartay Somalia 1992.

In kasta oo ay caddahay dhibaatada Somaliland uu ciidankaasi ku hayn karo muddada dhow iyo mustqablka siyaasadeed iyo ammaan ee geeska Africa, waxa muuqata xukuumadda Somaliland inaanay waxba kala socon, ilaa imikanna waxba ka odhan marka laga reebo hadal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.  Meela kuma cadda in xukuumadda Somaliland gaadhsiisay UN-ta, dawladda Maraykanka iyo Dawladaha Carabta ee maalgelinaya ciidanka calooshooda u shaqaysta ah, khatarta uu u leeyahay Somaliland iyo colaadda uu ka abuuri karo Puntland iyo Somaliland.  Mana muuqato tabaabushe ka hortag ah iyo dhaqdhaqaaq kale.

Source: Waaheen

Warar kale

 

Booliska Ingiriiska Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Julian Osanj Oo Ah Ninka Iska Leh Website-Ka Wikileaks Ee Ducumentiyada Sirta Ah Soo Bandhigay

London, December 8, 2010 ( HN:W.Wararka) - Bileyska Ingiriiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka Reer Australia Julian Osanj oo ah ninka iska leh ama asaasay webka Wikileaks, Booliska ingiriiska ayaa sheegay inay ninkaa u qabteen qadiyad lagaga soo oogey dalka Sweden iyadoo ururka midowga yurub ay isku raaceen in ninkaa la qabto, Julian Osanj oo ah ninka iska leh wargeyska aduunka kaga wareeriyey isla markaana soo saaray sirro badan oo qarsoonaa ayaa maxkamad ku taalla dalka sweden ay ku tuhun tahay inuu gabadh farro xumeeyey,

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay inuu ninkaasi isagu is keenay jeelka magaalada London kadib markii ay sidaa ku heshiiyeen isaga iyo boolisku. Booliska ayaa intaa ku daray inay eegayaan in ninkaa maxkamad lagu soo taaggo magaalada London iyo inay ku wareejiyaan dalka Sweden oo ninkaa hore maxkamadi u amartay in lasoo xidho, Wargeyska Wikileaks ee uu iska lahaa ninka la xidhay ee Julian Osanj ayaa sheegay inay shaqadooda sii waddi doonaan kadib markii la xidhay mas,uulkoodii,

Qareenka  Julian oo ah ninka lagu magacaabo Mark Stevens ayaa  sheegay in isaga oo ka wakiil ah Julian laga yaabo in su,aallo lagu weydiiyo dalka Sweden. Su,aalahaa oo ku saabsan laba gabdhood oo ninkaa lagu tuhunsan yahay inuu farro xumeeyey, Julian Osanj ayaa sheegay in xadhigiisa ay ka danbeyso dowlada Mareykanka oo raadinaysa qadiyad ay ninkaa jeelka ku dhigaan,

Julian Osanj ayaa aduunka ka wareeriyey kadib markii uu soo bandhigay kumaan kun sirrood oo qarsoonaa kuwaas oo badan koodu ku saabsanaa dalka mareykanka iyo dagaaladii uu ku qaaday dalalka Ciraaq iyo Afganistan iyo siyaasadaha mareykanka ee qarsoonaa ee uu kulla dhaqmayey aduunka oo dhan,

Julian Osanj oo 39 jir ah ayaa in muddo ah ku sugnaa dalka Ingiriiska iyadoo qareenkiisu uu sheegay in Julian uu siiyey booliska ingiriiska ciwaanka guriga uu degen yahay isla markaana aanuu ahayn nin dhuumanaya, Kristen Hruffinsn oo ku hadlayey magaca wargeyska Wikileaks ayaa isaguna sheegay inay sii wadi doonaan shaqadii wargeyskaa isla markaana aanay joojin doonin shaqadood xitaa hadii la xidhay mas,uulkoodii, Qadiyada Julian oo aduunka oo dhan isha lagu hayo ayaa la eegi doonaa halka ay ku danbeyso maamlaha soo socda,

 

Haqayonews.com

 

Oodweynenews.com / SWEDEN