Waxa socda Dhaqdhaqaaqyo lagaga hortagayo in kooxdaasi ku soo fido dhinaca Somaliland

 

Hargeysa (haqayonews.com) Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa qiray in maleeshiyo ka tirsan Al-shabab ay ku dhuumanayaan gudaha Puntland

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar sheegaya in maleeshiyo taabacsan ururka Al-Shabaab oo ay dhawaan calanka Al-Shabaab ka taageen deegaan aan ka fogeyn magaalada Boosaaso.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay VOA, wuxuu Madaxweyne Faroole ku qiray in Maleeshiyo hubeysan oo taabansan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin dhul buuralay ah oo u dhow magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in maleeshiyadaasi uu hogaaminayo nin magaciisa lagu sheegay ATAM, iyagoo muddo sannado ah isku uruursanayay halkaasi. Faroole wuxuu xusay in maleeshiyadaasi

Faroole, wuxuu xusay in maleeshidan ay xasilooni darro ka wadaan magaalada Boosaaso isla markaana ay ka danbeeyaan rabshadaha ka dhacaya Puntland, balse Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay ku hareeraysan yihiin maleeshiyadaasi dhawaana ay cagta marin doonaan.

C/raxmaan Faroole, wuxuu sidoo kale rabshadaha iyo dilalka qorsheysan ee magaalooyinka Puntland ku eedeeyay dad ka soo jeeda ama laga soo abaabulay gobollada koonfurta Somalia. Faroole wuxuu sheegay in ciidamada amniga Puntland ay haatan wadaan olole ay ku qab-qabanayaan dadka ka soo jeeda koonfurta ee lagu tuhmayo inay rabshadaha wadaan.

Mar Madaxweynuhu uu ka hadlayay sida ay ku garteen in dadkaasi ay falalkaasi ka dambeeyaan ayaa waxaa u sheegay in dowlada Puntland ay gacanta ku hayso eedaysanayaal qayb ka ah dadkaasi kuwaasi oo u sheegay Madaxweynuhu in ay ku jiraan saldhigyada magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso.

“…Dadka ka yimi koonfurta ee ku sugan Puntland waxay isugu jiraan tahriib marin ka dhigta Bosaaso iyo dad u socda fulinta barnaamijyo lid ku ah amaanka Puntland oo doonaya in Puntland ay noqoto sida Muqdisho oo kale…”,ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray in dadka ciidamada amaanka ee Dawladda Puntland ay ka qab qabanayaan qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ay dowladu marin doonto laba wado oo kala ah;

1-Kuwo lagu celin doono goobihii ay ka yimaadeen

2-Eedaysanayaal maxkamad sugayaal noqon doona

Falalka ka dhaca Bosaaso iyo Weerar ka dhan ah Attam

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay magaalada Boosaaso in ay tahay magaalo ganacsi ay degan yihiin barakacayaal fara badan oo u sheegay in gabaad ka dhigan karaan kooxaha ka wada Bosaaso falaka amaanka lidka ku ah sida Muqdisho oo kale.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in talaabada ciidamada amaanka Puntland ay wadaan ay noqon doonto mid hubaanti ah,waxaana uu xusay dhalinyarada Bosaaso ay ka tarxiileen in ay ka hayaan sawiro iyo magacyo sahli kara in dib loo soo qabto hadii ay dib ugu soo noqdaan deegaanada Puntland.

”…Dadka aanu ka qab qabanay Bosaaso way ku noolaan karaan meelihii ay ka yimaadeen Muqdisho meel aan ahayn oo dagaal ka socda ma garanaayo…”,ayuu yidhi.

Dr.Faroole ayaa intaa ku daray in ay qayb ku leeyihin wadaadka lagu magacaabo Attam iyo ciidamo u hogaaminaayo, kuwaasi oo la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen buuraha Galgala.

Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada Puntland ay ku hareersan yihiin maleeshiyaadkaasi dhowaan lagu kala bixi doono siduu sheegay.

Madaxweynaha ayaa xusay maleeshiyada uu hogaamiye u yahay Attam in qorshahoodu uu yahay in Bosaaso ay falal ka geystaan si buu yidhi aan loo weerarin, waxaa uu maahmaah ahaan u soo qaatay “qaniinyo, qaniinyo kaa fujisa”.

Dhinaca kale, Waxa cabsi iyo wewer-wer ku abuuray dadweynaha Degan Deegaanka waqooyi ee Xeebta xiga Diyaaradaha Maraykanka oo joog hoose ku Duulaya kuwaas oo aan la garanayn waxa ay baadi doonayaan, iyadoo si weyn loo hadal hayo in kooxo xag-jir ah oo Al-shabaab ka soo jeedaa Saldhigyo ka samaysteen meelo ka mid ah Somaliland gaar ahaana Gobolada Bari

Waxa cabsi iyo wewr-wer ku abuuray dadweynaha Degan Deegaanka waqooyi ee Xeebta xiga Diyaaradaha Maraykanka oo joog hoose ku Duulaya kuwaas oo aan la garanayn waxa ay baadi doonayaan, iyadoo si weyn loo hadal hayo in kooxo xag-jir ah oo Al-shabaab ka soo jeedaa Saldhigyo ka samaysteen meelo ka mid ah Somaliland gaar ahaana Gobolada Bari

Sida ay ku soo waramayaan dadweynaha Degan Deegaanka Bula-xaar, ceel-sheekh, Cabdi-geedi iyo jiida balaadhan ee dherreran Xeebta Waqooyi ee Hargeysa ayaa sheegaya in cabsi iyo walaahow farabadan ay ku abuureen Diyaarado Milatari oo la sheegay inay leeyihiin Ciidamada Maraykanka oo loo malaynayo inay ka soo kacayaan Saldhiga ay Ciidamadaasi ku leeyihiin Dalka Jabuuti

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay hadh iyo Habeen iyagoo joog hoose ku duulayay inay heehaabayaan hawada jiidahaasi, waxaana la sheegay inay mararka qaarkood u soo dhawaanayaan dadka iyo xoolaha daaqaya, kuwaasi ka cabsi qaba inay u duqeeyaan si garasho la’aan ah maadaama aanay cadayn goobta iyo cida ay raad-caysanayaan

Wer-werkan ayaa waxa sababay dhacdooyin hore oo ay ciidamadda Maraykanku ku garaaceen dad reer miyi ah oo aan galabsan wax danbi ah, kuwaas oo iyaga iyo xoolahoodiiba ay Xasuuqeen, iyagoo Ciidamadaasi u arkeen inay yihiin kooxo Argagixiso ah

Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay caasimadda Somaliland ku suganyihiin wafti ka tirsan Dawladda Ingiriiska kuwaasoo wata Ciidamo Sirdoon ah oo u kuurgalaya dhaqdhaqaaqa Kooxaha islaamiyiinta ah oo ku hanjabay inay weeraro ku qaadi doonaan bartilmaameedyo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland

Waftigan oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxay ka wada hadleen ilaalinta nabadgelyada iyo ka hortaga argagixisada iyo budhcad-badeeda sidoo kale waxay isla soo qaadeen tababarada Booliska ee dhinaca hoggaaminta iyo waliba gaar ahaan ciidamada ilaalada shaqaalaha iyo martida ajnabiga  iyo dhinaca horumarinta sharciga. Waxa kale oo shalay dalka ka dhoofay Wefti ka socda dalka faransiiska oo u socday sii xoojinta iskaashiga amaanka, waxaanu caalamku isha ku hayaa Somaliland oo laga cabsi qabo inay ku soo fidaan kooxahaasi.

Sida ay wararku sheegayaan Waxa kooxdaasi Al-shabaab hoggaaminaya nin magaciisa lagu sheegay Atam.

Warka ayaa intaas ku daraya in maammulkan Al-shabaab degaankaas durba ka mamnuuceen waxyaabaha ay ka mid yihiin dumarka oo xijaab la’aan lagu arko, cunista jaadka, cabbista sigaarka, cayaarista shaxda, turubka dumnadda iwm.

Arrintan ayaa ahayd mid muddooyinkanba kusoo siqaysey degaankaas oo uu ka jirey dhaqdhaqaaqa la xidhiidha kooxaha Al-shabaab haseyeeshee xilligan ayaad mooddaa in ay jirto awood usoo korodhay oo u saamaxdey in ay degaankaas kaga dhawaaqeen maammul awood leh kana taageen calanka iyaga u gaar ah.

Dhinaca kalena arrintan ayaa ah mid kusoo korodhay guud ahaan Somaliland oo ay tahay markii ugu horraysey ee geyigeeda lagaga dhawaaqay maammul noocan oo kale ah. Bulshada ku dhaqan degaankan ayaa inkastoo horeba aanu halkaas uga jirin wax maammul shaqeeya iyaguna waxay dhinacooda ka muujiyey walaaca arrintani iyo saamaynta ay ku yeelan karto