Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta  Warkii Hore

 

 

 

   ogaysiis ogaysiiS warkii hore ee ku dhaafay markale ka  akhriso halanka. Haqayonews.com

  

 

Gabdho Suxufiyiin Soomaali ah oo Asay u qaaday Soomaaliya

Read more-03-08-010Gabdho Suxufiyiin Soomaali ah oo Asay u qaaday Soomaaliya

Talaado, 03 August, 2010 (HOL)- Qaar ka mid ah hablaha Suxufiyiinta Soomaalida ee ka hawl-gala Warbaahinta kala duwan, gaar ahaan laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da iyo Telefishanka UNIVERSAL, ayaa shalay ku dhawaaqay in ay qaadeen Asay ama Hangaf, taas oo ay dhigisteeda shuruud ku xidheen.

Tallaabadan oo ay u bixiyeen Ololaha Hangasha ama Ololaha Asayda, ayaa waxa hoggaaminaya Suxufiyiin ay ka mid yihiin Aamin Muuse Weheliye oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa qaban-qaabadiisu maalmihii u dambaysay ka socotay magaalada London ee carriga Ingiriiska, halkaas oo shalay ay ka shaaciyeen. Ololahan ayaa ujeedadiisu tahay sidii ay dareenkooda la xidhidha dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya.

Mar ay ka hadlayeen ujeedada ay u qaadeen Hangafta, ayaa waxay sheegeen in aanay dhigayn inta qaska Soomaaliya xal loo helayo.

“Maanta waxaan asayda u qaaday ee igu kallifay waxa weeye, maalin kasta waxaan ka shaqeeya oo aan qoraa ama akhriyaa Wararka Soomaaliya, kuwaas oo maalin kasta dhimasho iyo dhaawac ka taagan yahay. Qof waliba dulqaadkiisu iyo adkaysigiisu meel buu taagan yahay, waxa jira waxyaabo qofku aanu u adkaysan Karin,” Sidaa waxa tidhi Aamina Muuse Weheliye oo ka mid ah Hablaha Suxufiyiinta ah ee Asayda qaaday, waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, “Markaa waxa I damaqday, sida loo halakeeyey sharaftii dalkeeyga, sida loo xasuuqay dadkeeyga dhinacey doonto rasaastu ha kaga timaadee, sida loo burbrushay sumcadda dadkeeyga Soomaliyeed, sida loogu dheelay sawirka wadankeeygu ku lahaa aduunyada, sida loo baaba'shay mustaqalka dadkeeyga, sida loo marrin habaabshay diinta Islaamka ee muqaddaska ah, iyo sida nalooga been sheegay oo naloogu ekeeysiiyey sidii dad bahallo ah, oon imaan iyo ixsaan toona lahayn.

Sidaa darteed, waxaanu Ololahan u bixinay; inta nabadi dhalaneeyso ama aan ka dhimanaayo, dhigi maayo Asayda. Inta nabadi ka dhalanayso Soomaaliya waanu sidaynaa Asaydan ama Hangasha, haddii anaga oo nool ay nabadi ka dhalato, waxaanu ku dhigaynaa Asaydan oo aanu la tegaynaa dalkii hooyo, haddii aanu la dhimanana, Ilaahay ha noo naxariisto.”

Dhinaca kale, waxa iyana hablihii Hangaftan qaaday ka mid ah Maryan Saylac Cabdirisaaq oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Telefishanka UNIVERSAL. “Waxaan ka mid ahay hablaha ku midoobay Ololaha Hangasha, xaqiiqdiina waxa nagu dhaliyay xaaladda uu maanta ku jiro dalkii hooyo (Soomaaliya). Waxaan ahay Xaas oo waa lay qabaa, haddana dhibta dalkii ka taagan ayaa igu kalliftay in aan Asaydan qaado.” Ayay tidhi Maryan. Inkasta oo aanay hablahani kali ku ahayn Ololahan oo sidoo kale ay jiraan hablo aan suxufiyiin ahayn oo ku biiray Ololahan, haddana waxa uu u muuqdaa Olole sii fidaya.

Barkhad M. Kaariye,
Hargeisa, Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 
Barmaajiyadii hore

Hambalyadaan Arooskii Hadraawi .e

Waa Qalinkii Rashid Xaji Ibrahim Naleye ( Rashid Dheere

Sheekh Dirir

 

Sheekh Dirir

Wuxuu ka waramayaa safarkiisa Europe.

Maqal   bbc

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 Haqayonews facebook

Haqoyonews Warside

Online now

 

 

 

 

 

 
www.haqayonews.com-2009(R) all Rahts Reserved- web desing By: Eid Aden