HAQAYONEWS:COM

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayey oo shalay galab booqasho rasmiya ku tagay dalka Djibouti ayaa soo dhawayntii ugu meeqaamka saraysay ee loo sameeyo madaxwayne Somaliland ahi kala kulmay garoonka diyaaradaha ee Djibouti, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyey madaxwaynaha Jamhuriyada DJibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Maxamed Xayd, xubno ka tirsan golaha wasiirkada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jamhuriyadaas, iyada oo markii  ay diyaaradii siday waftiga madaxwayne Siilaanyo markii ay soo cagadhigatay madaarka Jibouti abaaro afartii galabnimo, waftiga madaxwayne Siilaanyo ay gaadheen madaarka magaalada Jibouti loo dhigay rooga cas ee lagu qaabilo madaxda sar sare ee caalamka, isla markaan ay goobtaasi salaan sharaf uu kaga qaatey cutubyo ka mid ah ciidamada Djibouti, waxaana isla wakhtigaas madaarka ka babanayey labada calan ee Somaliland iyo Djibouti.

Intaa ka dib Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan ku yeeshay qolka nasashada madaarka ee loogu talo galay marti sharafta  (VIP-da), kulankaas ayaa la sheegay in ay labada dhinac isla soo qaadeen xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xaaladaha amniga iyo dhaqaalaha.

Waftiga Somaliland ee uu horkacayay madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxay ka koobnaayeen oo ku wehelinayey Marwada koowaad ee Somaliland Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Ibraahin Madar iyo gudoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee Socdaalkan madaxwaye Siilaanyo uu ugu kicitimay Jamhuriyada Djibouti ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dibada ugu ambabaxo tan iyo intii uu talada dalka ku guulaystey, waxaana la filayaa in safarkiisaasi uu qaato mudo 2 maalmood ah, intaa ka dibna uu caasimada Somaliland ee Hargeysa dib ugu soo laabto.

Dhinaca kale booqashadan uu madaxwayne Siilaanyo ku tagay dalka Jibouti ayaa la filayaa in ay kor u qaado heerkii uu marayey xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac ee Somaliland  iyo Djibouti, waxaana ilaa xalay wargeyska Haatuf soo gaadhayey tilifoono iyo fariimo badan oo dad badan oo shacbiga reer Somaliland ka mid ahi ay ku muujinayeen siday ula dhaceen uguna farxeen soo dhawayntii uu madaxwayne Siilaanyo kala kulmay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo guud ahaan dadwaynaha reer Djibouti-ba