Waxaan salaan hawda u marinayaa marka hore dhamaan websityda iyo hawlwadeenadood .
Ka bacdi waxaan jecelaysay inaan XASUUQII JAZIIRA wax yar ka
taabtaabto.
47 nin ayay ahaayeen  ragii loo qaaday xeebta jaziira ee dhiiga
dhegta  loo daray waxay ahayd 17.7.1989  magaalada muqdisho
XASUUQAN araxan darada ayaa waxa gaystay saraakiishii maamulkii
dawladii milatariga ahayd siyaad bare.
Hadaba akhristoow ninka la yidhaa  DHAGAR QABE canjeex waxaan u arkaa inuu si fiican ugu  cadeeyay  shacabka somaliland una  sheegay in aanu naftiisa marna odhan  karin waxbaan xasuuqay balse waxuu si geesinmo leh u sheegay una  cadeeyay ragii wax la xasuuqay oo uu mid mid u sheegay.
 
Canjeex ayaa waraysigiisa ku yidhi ragii ciidanka watay waxay ahaayeen
1.dhagar qabeMaxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad)
2. dhagar qabe Gaashaanle Sare Cabdi Hirre Guhaad
3. dhagar qabe Sedex xadhigle Maxamuud Afrax Shunuunac? 

Marka canjeex leeyahay ragii ciidanka watay waxay ahaayeen ragan
dabcan sheekadu waa iska  waadax waxaanay u dhigan tahay
waar ragii ila socday waxay ahaayeen ragan ee danbiga kaligay ha saarina
kalaamak mafhuuh yaa canjeex  maad badhxin sheekada
 
Aadan maxamed cabdi dery oo ahaa 13 jir markii xasuuqu ka dhacay  xamar
ayaa face to face ay isu qaabileen mr canjeex .
waxa aadan lagala baxay gurigiisa waxaanay ahaayeen ragii labaxay
ragan canjeex inoo sheegay ee asagu uu iska reebay.
aadan dery oo hada jooga  DALKA uk ayaa xaqiijiyay in looga taagwaayay nin
sadex xadhig le ah balse aanu magaciisa maqal
Hadaad hadalka canjeex dib u raacdana been ma sheegin canjeex in
uu meesha joogay sadex xadhigle  DAHAGR QABE MAXAMUUD AFRAX SHUNUUNAC
 
Waxa kaloo dhagar qabe canjeex waraysigiisa ku cadeeyay in ragii habeenkaa ciidanka watay ay ahaayeen
1. dhagar qabe Gaashaanle Sare Dhegobacayr
2.dhagar qabe Taliyahii Koofiyad Casta -Diiriye Xirsi,
Waxaan aaminsanahay in dhamaan ragani ay ahaayeen ragii
xasuuqa gaystay .
Kaliya waxa loo baahan yahay in maxkamad cadaalada la horkeeno
Sida aynu ka warqabno waxa ka badbaaday xasuuqaa ka dhacay jaziira
cumar muuse oo hada aan aqoon meel uu degan yahay
Balse aan jeclahay in cumar haduu hayo warbixin kale uu soo bandhigo
Waxa kaloo muhiima in cidkasta oo haysa warbixin la xidhiidha xasuuqii
xeebta jaziira ay u bandhigaan warbaahinta .
Hadii aanad jeclayn inaad adigu saxaafada u bandhigto aniga oo siciida
ila soo xidhiidh  waxaan kugu soo dhawaynayaa gacmo furan iyo  wada shaqayn WAXAANAN kaaga damanaadad qaadayaa hadaad ahayd ragii habeenkaa ciidanka ku jiray in aan si fiican kuula hadlaayo ama aad wax cadayna hayso oo la xidhiidha   magacaaga iyo aqoonsigaaguna   uu
ahaandoono mid aanu qadarino anagoon saxaafad  u bandhigayn ama
ku sheegayn
raga ku jiray ciidanku  ha ogaadaan inay askar ahaayeen aan amarka
gacanta ku hayn sidaana aanu ixtiraami doono  kaalintooda ay ka galeen
XASUUQII XEEBTA JASIIRA
waakan emailkaygu dheen@live.co.uk
 
Akhristoow marka xaaladi halkaa marayso ayaa waxa bilaabnay duqayntii
degaanada waqooyiga ee hada loo yaqaan somaliland.
WAXA si arxandaro ah loo bartilmaansada dhulka rayadku degan yahay
ayadoo lagu hagaayo  madaafiicta goobta.
waxa kaloo si xun loogu garaacay haamaha waawayn ee ay tuuraan dayaarada degaalku.
 
Si kastaba ha noqtee waxa muhiima qof kasta oohaya warbixin
la xidhiidha saraakiishii amarka bixinaayay
in la soo gubiyo  oo aan lala baqan lana qarsan  fal xun ood arkaysay
 
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london