Go’aanno ka soo baxay Gudiga Garsoorka Colaadda Kalshaale iyo Beesha Buuhuudle oo ku gacansaydhay
Gudigii Garsoorka oo ka Ambabaxay Deegaankaasi iyo beesha Qorilugud oo aqbashay go’aanka gudiga
Maygaagle (HAQAYONEWS) Wararka ka imanaya Tuulada Maygaagle ee uu shirka garnaqsiga ahi uga socday labada Beelood ee ay dhawaan colaaddu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale ayaa sheegaya in Shalay lagu guul daraystay in Xal gaadho sidii Colaaddaasi loo soo Afjari lahaa, ka dib markii ay Ergadii beesha Buuhuule ku gacansaydhay Go’aano ay soo saareen Gudiga Garsoorka ee dhexdhexaadinta ka waday deegaankaai, Go’aamadaasi oo ku wajahan lahaanshiyaha deegaankaasi uu muranku ka taaganyahay.
Waxaanay Ergadu labada Beelood ku xukumeen inay wada leeyihiin deegaanka Kalshaale, isla markaana Beel waliba 3 Baraagood ka qodato oo ay ku jiraan kuwa hadda qodani, in dadkii dagaalkii labada Beelood dhaxmaray ku dhintay la kala qaato mag sharciga waafaqsan iyo in dadkii dhaawacyadu soo gaadheen labada dhinac isu Xaqaan marka ay baxnaanadu u dhamaato.
Waxaana la sheegay in go’aamadaas aanay ku wada qancin labada beelood, isla markaana ay si weyn uga biyo diiday Beesha dhinaca Buuhoodle oo ku dooday inaanay Go’aamadani waxba ka bedelaynin colaaddii meesha ka taagnayd ee ay wax uun sii kala fogaynayaan, iyagoo diidmadooda sabab uga dhigay in aan qaabkii shirku markii hore u socday aan la waafajin Go’aamaada hadda soo baxay, taas oo ay ku timaameen inay ahayd mid shareecada waafaqsan oo labada dhinacba markhaatiyo u keensadeen lahaanshiyaha deegaanka kalshaale, iyagoo Xusay in markaatiyadii ay keeneen la dhaariyey si uu markhaatigu u xalaaloobo.
Ergadan Reer Buuhoodle ee ku gacan saydhay Go’aanka ay soo saareen Gudida dhexdhaxaadintu oo aanu wax ka waydiinay waxa ay yeelayaan ayaa Xaqiijiyey inay Go’aamadaasi ambiil ka qaateen, isla markaana maanta dib isugu soo noqonayaan Guddida dhexdhexaadinta, si arintaasi dib looga doodo oo meel laysula dhigo.
Waxaa kale oo warku intaa ku daray in culimadii dhexdhexaadinta iyo garsoorida shirkaasi ka wadday ay isla shalay markii ay Go’aanka ku dhawaaqeen ay u kala amba baxeen magaalooyinkii ay ka yimaadeen, iyadoo madashii shirka ay ku soo hadheen oo kaliya Nabad doonadii dhexdhexaadinta hore halkaasi ugu joogay, kuwaas oo manta la filayo inay la kulmaan Ergada Reer Buuhoodle Go’aamadasi ku Gacan saydhay.
Go’aanka ay gudigu soo saartayna wuxuu u qornaa sidan
Taariikh: 03/01/1432H, 08/12/2010 - Meygaagle
KU: labada beelood ( Beesha Buuhoodle & Beesha Qori lugud)
OG: DHammaan salaadiinta, garaaddada , boqorrada, cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka
UJ: go’aan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale
Haddii aannu nahay guddiga garsoorka ee hoos ku saxeexan , waxay kalsooni buuxda noo siiyeen labada beelood ee kala ah beesha Buuhoodle iyo beesha Qori lugud,oo ay wakiilu dacwo u ahaayeen: Saleebaan Maxamed Jaamac, Cali Cabdi Cali, C/raxmaan Axmed Diiriye, oo ahaa dhinaca B/hoodle, iyo Caaqil Cali Caddaani Cali, Cismaan Ibraahim Warsame, Adan Warsame Cawed: inaan shareecada ku kala saarno arrimaha ay isku hayeen oo kala ah :
A- Dhimashadii, dhaawaci iyo hantidii ku dhintay shaqaaqadii dhex martay labada beelood: 9 – 10kii bishii Dilxijja 1431H
B- Lahaanshaha balliga Kalshaale iyo nawaaxigiisa:
Markaan dhegaysannay dacwada labada dhinac, aragnayna qoraalladoodii.
Markaan tagnay goobtii ay isku hayeen lahaanshaheeda ee Kalshaale .
Markaan dhegaysannay qiraalka ay isla qirsan yihiin dhimashada, dhaawaca iyo furka.
Markaan dooddoodii u bandhignay shareecada , kana baaraan degnay.
Markaan huibin ku sameynnay degaannada beelahan
Waxaannu go’aaminnay sidan:
1- In 10ka nin ee ay kala dileen oo toddoba u dhalatay beesha Qorilugud, saddexda kalena beesha Buuhoodle, laga bixiyo mag culus ( muqalladah), oo ninkiiba yahay: 100 halaad oo kala ah: 40 halaad oo rimman, 30 qaalmood oo 5 jir ah , iyo 30 qaalmood oo 4 jir ah, bixintuna tahay mag dharaareed( xaallah).
2- In ragga ka dhaawacan labada dhinac la kala xaqdo marka ay bogsadaan, kuwaasoo kala ah: beesha Qori lugud 6 nin, beesha B/hoodlena 3 nin, xaqooduna waa diyo culus( muqalladah).
3- In wixii hanti ah ee sugma , beel waliba u celiso tan kale wixii ay leedahay.
B- Balliga Kalshaale:
1- In beelina si gaar ah aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada beelood biyihiisa, daaqiisa iyo degaankiisaba..
2- In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato dhinaca kale ee balliga saddex berkadood, beesha Qori lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.
3- In aan lagu darin dhisme Magaalo ah iyo Baraago kale midna maadaama ay goobtu tahay dhul daaqeed.
Eeg:
1- Akhri xadiiska uu weriyey Imaan Axmad, Abuu daa’uud, iyo Ibnu maajah oo caddeynaya in biyaha , daaqa , iyo xaabada ay dadka muslimiinta wada leeyihiin, haddii aysan jirin cid gaar ah oo noolaysatay( tacmiir) loogana horreyn.
2- Akhri xadiiska uu weriyey Bukhaari ee tilmaamaya : in dhulka qofka muslimka ah ee nooleeyaa mulkiyo.
3- Al um ee Imaamu SHaafici , M2, J2, bogga: 42- 46.
4- Almajmuuc M16, bogga: 117- 121.
5- Almawsuuca alfiqhiya, M2, bogga: 238 – 250.
6- Alwajiiz fii fiqhissunna walkitaabil caziiz, bogga: 353.
7- Aljaamicu li ixkaami fiqhi sunna, M4, bogga: 161.
8- Alsharxul mumtic, bogga : 5 – 204
Saxeexa guddiga shareecada ee go’aanka gaaray:
1- SH.Cusmaan Cali Xuseen( guddoomiye)………………………….
2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan………………………………….
3- SH.Axmed Xaashi Xuseen…………………………………………
4- SH.C/laahi Cabdi Cali ( Makaawi)………………………………..
5- SH.Maxamuud X. Yuusuf…………………………………………
6- SH.Cawil Faatax Shire…………………………………………….
7- SH.Muxummad Warsame Dhurde………………………………..
8- – SH.C/qaadir Muxummad Nuur………………………………….
9- SH.Faarax Muumin Faahiye( xoghayn)…………………………..
Guddiga arrimaha dhaqanka
1- Oday /Maxamuud Saxardiid Ismaaciil………….
2- Oday/ Xasan Xuseen Faarax…………………….
3- Oday/ Cabdi Xaashi Xuseen…………………….
4- Oday/ Diiriye Daahir Caalin…………………….
5- Oday/ Cabdi Aadan C/laahi…………………….
6- Caaqil/ Xirsi Maxamed Cilmi………………….
7- Caaqil/ Maxamuud C/laahi Faarax……………
8- Oday/ Cabdi Faarax Nuur……………………..
magacyada ergada Salaadiinta ah iyo garaaddada
Haddaannu nahay salaadiinta , garaaddada iyo boqorrada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaannu ayidnay xukunka hsareecada ee laga gaaray arrinta Kalshaale:
1- Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim……………….
2- Garaad Maxamed Cilmi SHirwac………………….
3- Garaad C/llaahi Cali Ciid…………………………..
4- Suldaan Saciid Maxamed Garaase…………………
5 – Suldaan Xasan Barre Warsame Shire…………….
6- Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal……………..
7- Suldaan Maxamed Yuusuf X.Faarax……………….
8- Suldaan Xasan Baade Xaddi Axmed……………….
9- Suldaan Xiis Barre Yuusuf………………………….
10- Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle……………..
11- Suldaan Saleebaan Tukaale Raage……………………
Shir-Gudoonka Ergada Dhexdhexaadka ah :
1- Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar( Goddoomiyaha Ergada)___
2- Suldaan Suleymaan Suldaan Cali Ismaaciil ( Gudoomiye ku xigeen)_______
3- Suldaan Axmad Daahir Muuse Cilmi |