Caku Muhashadadiyo Mala Tebey Codkaagii ! Waa Baroor Diiq Ayo ah !! Bal Malee !!!

 Ayo kale waa macallinkeennii ,mujaahidkeenni fannaankeenniiweyna Alla how naxariistee

                                                   Maxamed Mooge Liibaan.
         
              
 
                                        Salaan ku socota dhammaan web-site-yada saxaafadah madaxa bannan ee s/land iyo dabcan dadfweynaha reer s/land siba intooda fanka iyo suugaanta jecel waxaan halkan dinkoo soo gudbinaya heetan broor diiqda ah eesidacinwaanka a muuqata ku saabsan allaahow naxariiste M M Liibaan oo aananigu sida runta ah odhan karo waa Bob marligii somalida Hadda maaha meel kasta ( waa marka laga eego xagga cod wanaagga iyo heesaha xikmadaha badnaa eeabaduba wada qaadi jireen >Waana tan heestii Cku muhashadaadiyo mala tebey codkaagii.
 
 
          ---Macallinnimadiisii----
 
1.Macallinii barbaartiyo
2.maatida barbaarshow
3.habeen wuu madowyoo
4.magan gooye weeyee
5.ileys marnoo ifiimiyo
6.marinkii aqoontow
 
7.Adna maxamed moogow
8.caku muhashadaaiyo
9.mala tebey codkaagii
 
      ---- Mujaahidnimadiisii----
 
1.Dadku wow markhaati
2.maalintey qadhaadheyd
3.fulihii iska maagee
4.faqash meel l mariyo
5.mannaxaan cadaawihii
6.geesigii muquunshee
 
7.Adna maxamed moogow
8.caku muhashadaadiyo
9.mala tebey codkaagii.
 
      ----- Fankiisii----
 
1.Hibadiyo magaca
2.mowlaha bixiyee
3.darbaa is-moodoo
4.isa-soo maqiiqoo
5.milgihii fankeenniyo
6.masrixiiba biiye
 
7.Adna maxamed moogow
8.caku muhashadaadiyo
9.mala tebey codkaagii.
 
      -----Jaceylkiisii---
 
1.Mudantii haweenkiyo
2.marwadii la sheegee
3.mixibbada kalgacalkaleh
4,ragga wada majiirtey
5.heesaha macaan
6.aduunbaa u mariyee
 
7.Adna maxamed moogow
8.caku mhashaaadiyo
9.mala tebey codkaagii.
 
       Wallaahu weliyo towfiiq
   
     Waa Qalinkii Abwaan Rahid Xaji Ibrahim Naleye (Rashid Dheere)
                London
 
haqayonews.com                               Back Home
 
Posted by   Adm.