Dacwad Aad u Xasaasi ah oo Maanta lagu Qaadayo Nin Jarmal ah iyo Wasaaradda Diinta oo Shaacisay inuu Dil Mutaysan Karo Haddii Shareecadda lagu Qaado

Awoodaha Sharci ee Maxkamadda Degmada iyo Culayska Kiiska Falalka Anshax-xumadda ah oo noqonaysa dacwadii u horraysay ee nooceeda ah

Hargeysa (Haqayonews.com)-Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa lagu wadaa inay maanta dhegaysato dacwad aad u xasaasi ah oo lagu soo oogay nin ajaanib ah oo u dhashay dalka Jarmalka oo falal dhaqan-xumo ah ka sameeyey dalka Somaliland.

Dhegaysiga dacwadan oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay oo la xidhiidha falal dhaqan-xumo ah oo isugu jira fillimo iyo sawirro qaaqaawan oo ninkaasi Jarmalka ahi ka sameeyay haween reer Somaliland ah, ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loo horkeeno maxkamadda Degmada.

Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya ku ogaaday xoggo uu helay, waxaan si cad loo oggayn goobta dhegaysiga dacwaddu ka dhici doonto, kadib markii la sheegay in boolisku ku taliyey in aan dhegaysiga dacwaddu ka dhicin Maxkamadda Degmadda, balse laga dhigo xarunta ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da sababo la xidhiidha ammaanka.

Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo ninkaasi ku soo oogtay dacwadda falalka loo haysto, ayaa inkasta oo aan si cad loo oggayn la sheegay inay maxkamadda horgayn doonto dacwado kala duwan oo lagu eedaynayo ninka Jarmalka ah iyo weliba dad kale oo ah mudaadiniin ku eedaysan kiiskaasi.

Ninkan oo muddo ku dhawr shan sanno ku noolaa dalka Somaliland, isagoo u shaqayn jiray qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ku sugan, isla markaana ka ganacsan jiray buuxinta khadka qalabka wax lagu daabaco, waxa uu hore u sheegay inuu qaatay diinta Islaamka, taas oo sababtay inuu la xidido qoys reer Somaliland ah.

Haseyeeshee, ciidamadda bilayska ayaa dhawaan gacanta ku dhigay, kadib markii la ogaaday inuu ku kacay falal dhaqan-xumo ah oo ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka suuban oo uu si fawaaxish ah ula macaamilay dumar ku dhaqan magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in bilaysku hayo caddaymo muujinaya falalka ninkaasi ku kacay oo ku kaydsan kombiyuutarkiisa gacanta.

Kiiskan oo noqonaya kii u horreeyey ee noociisa ah ee soo mara maxkamadaha Somaliland muddadii ay jirtay, isla markaana culays wayn leh, ayaa la horgayn doonaa maxkamada Degmada Hargeysa, si ay go’aan uga gaadho.

Haddaba, si dadweynuhu wax uga ogaadaan awooddaha sharci ee ay leeyihiin maxkamadaha degmooyinku, waxa wargeyska Jamhuuriya u soo gudbinayaan qodobka ka qeexaya awoodda maxkamad degmo leedahay ee Xeerka Garsoorka (Xeer LR. 24/03/06).

Qodobka 6-aad ee xeerkaasi oo ka hadlaya Awooddaha Maxkamadda Degmada, ayaa faqradiisa 3-aad oo arrintaasi lagu qoray, waxay u qoran tahay sidan:

“Maxkamadda degmadu waxay awood u leedahay dacwadaha shareecadda Islaamka, dacwadaha madaniga ah ee qiimahoodu gaadhsiisan yahay 3,000,000 (saddex milyan) SL.Sh. iyo dacwadaha ciqaabtoodu gaadhsiisan tahay saddex sanno iyo ganaax lacageed oo aan ka badnayn 3,000,000 (saddex milyan) SL.Sh.”

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo Awqaafta Somaliland oo toddobaadkan u waramay Telefishanka madaxa bannaan ee HCTV iyo wargeyska Geeska Afrika, ayaa shaaciyey in haddii ninkan Jarmalka ah ee anshax xumadda ku kacay lagu qaado shareecadda islaamka uu mutaysan karo xukun dil ah, isaga oo agaasimuhu arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Walaahi haddii shareecada Islaamka loo eego arrintaas iyada ah waxay noqonaysaa oo uu xadeedu yahay dil ah in la qisaasso.”

Kiiska loo haysto ninkan Jarmalka ah ee filimadda dhaqan xukuumadda ah ka duubay haween reer Somaliland ah, ayaa noqday mid aad u xaasaasi ah oo toddobaadadii la soo dhaafay aad looga hadal hayey dalka gudihiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, iyada oo dadweynaha iyo culimadu ka dhur sugayaan halka ay ku dambayso dacwadiisu.

Sidoo kale, waxa arrintan si xoog ah u cambaareeyey culimada dalka oo ku baaqay in tallaabo si degdeg ah tallaabo adag oo waafaqsan shareecadda diinta Islaamka laga qaado ninkaas ajaanibka ee ku kacay falalka dhaqan-xumooyinka ah.


Axmed XARIIR

Hargeisa. / HN OFFICE

SO


Jamhuuriya Online