Talo kusocota madaxwaynaha cusub

 

Sicid Cabdi DHeen

Haqayonews.com

Xisbigaudub oo haraati iyo danbaabidho  la eeganaaya wax kasta
oo kasoo hor baxa ama guusha siiya mucaaradka KKKKKKK.
Tan iyo markii doorashadu dhamaatay ayaa waxa bilaabamay
Xadhig iyo hanjabaad lagula kacaayo masuuliyiinta xisbiyada
mucaaridka iyo qaar ka mida hawlwadeenadii  ka shaqaynaayay
tirinta sanaaduuqda  codbixinta.
 
Hadaba waxa aan aad ula yaabay waxa udub KHAATUMA ISKAGA SII
qaribayso, ee ay  shacabka iyo muwaadiniinta ugu tacadiyayso
Tolow xaalku ma waxa weyaan [ NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHAWRO]
Waynu ka warqabnaa in udub aanay sumcad ku lahayn dalka
balse shakhsiyan waxaan qabay in dadku ISK SAAMIXI DOONO
 
Ayadoo wali aan la shaacin xisbiga ku guulaystay  doorashadii dhacday
laakiin saadaashu ay tahay in labada xisbi mucaarad midkood soo bixi doono
MUDANE eng faysal cali xuseen iyo MUDANE MUJAAHID axmed maxamuud siilaanyo
ayaa dhawaan midkood ku ruqaansan doonaa QASRIGA MADAXTOOYADA
 
Waa guul aad u wayn oo usoo hoyatay shacabiga somaliland
Waa darajo iyo sharaf u korodhay axsaabta mucaaridka
Waa abaal wayn oo shacbiga somaliland ay u hayaan xisbiyada kulmiye iyo ucid
Waa xaqii oo ka guulaystay baadilkii iyo dulmigii iyo tacadigii
Waa maatadii oo markale ku guulaysatay inay hesho maamul xaqa
oo cadaalad iyo sinaan ku maamula
Waa calankii madoobaa ee udub oo ciiray dhexdana ka kala jabay
 
gabagabdii
mudane ENG faysal cali waraabe  iyo mudane  MUJ axmed maxamuud siilaanyo
Waxaan talo idinku siinayaa  in aad waxqabad balaadhan umada u qabataan
kaga dhabaysaan balanqaadyadii aad u qaadeen 
ka caawisaan dhamaan baahida jirta ee mudada soo taagnayd
Hoos u eegtaan danyarta daadsan banaanada ee udub waxba u qaban wayday
hoos u eegtaan kuwa naafada ee udub waxba u qaban wayday
hoos u eegtaan mujaahidiintii oo meel kasta ku dayacan oo udub hagratay
hoos u eegtaan  kuwa maanka laga dooriyay ee gidaarada jiifa ee udub hagratay
 
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk

Haqayonews.com

haqayonews@hotmail.com

warqabad@yahoo.com

*********************************************************************

MAQAALKAN MARNA KAMA MASUUL AHA  HAQAYONEWS.com

WAXA ISKA LEH WANAAGIISA IYO XUMIHIISABA qoraaga ku xusan  maqaalkan

haqayonews.com waxa ay hurumarisaa  afkaarta akhirstayaasheeda