|
Haqayonews.com
udubeey haku aakhiro seegin doorashadan ee niyada gali inaad hadhay
Waxaan kalsooni wayn ka qabaa kooxda komishanka oo runtii lagu tilmaami karo inay yihiin rag hawlkara kana soo baxay xilkoodii Waxay ka mutaysteen shacabka somaliland in shahaadad sharaf lagudoonsiiyo loona mahadnaqo sida wayn ee ay xilkooda u guteen Yaan la degdegin oo aan laga hordhicin inta natiijada ay inoo soo bandhigayaaan ,iyo go.aanka kama danbaysta ah waxay soomaalidu ku maahmaahdaa [HADII DEGDEGSIIYO DOOR DHALO KAADSIIYANA KIISH LACAGUU DHALAA] Waa ayaamo yar oon ka badnayn afar cisho inta la helaayo xaqiiqda kama danbaysta ah. Inkastoo aynu maqlayno in xisbiga udub u tafo xaytay siduu qas uga abuuri lahaa goobaha sanaaduuqdu yaalaan Walibana uu la dul taagan yahay gawaadhi lacagi ka buuxdo Hadana nimanka la loodin kari waayay waa masuuliyiinta komishanka iyo dhamaan shaqaalaha loo xilsaaray hawsha doorashada SHalay dhinaca boorame si badheedha ayaa taageerayaasha udub iyo masuuliyiintooda oo horkacaya iskana horaysiiyay dumar iyo caruur ay si xoog ku weerareen goobo ka mida meelihii lagu tirinaayay sanaaduuqda Taasina maaaha mid sharaf u keeni karta xisbiga udub Waxay run ahaan qaribayaan sharafta umada reer awdal oo loo tirinaayo in madaxwaynuhu ka soo jeedo WAX BADSO WAX BEELBAY LEEDAHAY inta udub isleedahay wax soo korodhso waxa maalin kasta hoos u sii dhaca sumacdooda ay ku leeyihiin dalka gudihiisa Doorashadan maanta dhacday laba xisbi ay ka dhaxaysaa waana labada xisbi ee mucaaradka ucid iyo kulmiye. Kii soo baxana shacbiga waa la shaqaynayaa waayo way istaahilaan in lala shaqeeyo, waayo inay wax qabtaan ayay raaan Xisbiga talad haya ee udub mar hore ayuu asagu ka hadhay doorashada SHacbiga reer soomaaliland wax sumcad oo maanta udub ay ku leedahay ma jirto Udub ama gawaadhi lacaga ha bixiso ama malaayiin lacaga ha faraqdo waa habeen xalay tagay xil danbe oo udub iyo hogaamiyaheedu ka qabanayo dalka somaliland GABAGABDII Maanta awood aad isticmaali kartaan iyo xooog aad dad ku muquunin kartaan ma jiro , samirkiina waa ka dhamaaday umada somaliland ninkastaba irbada ayaa gaadhaysa , nin kastaba xanaaq iyo cadho ayuu cirka maraya Dalkan rag idinka awood badan ayaa waqti yar awood lagaga muquuniyay oo maalin cad jilibka loo aastay Hadaa moodaysaan in shacbigu baqanaayo walaal ma baqanaayo ee dadkayagii baad tihiin iyo umadayadii waxaana inaga dhaxeeya calan iyo ciideena somaliland , markaa WAA LAYDIIN TUDHAYAA. BILMACNA KALIMA ----- WAA LAYDIIN TUDHAYAA waa hadaad fahmayso afsoomaaliga HA KU AAAKHIRO SEEGINA UDUBEEY DOORASHADAN MAANTA FARAHANA HA LAGALINA DAB AYDAAN BAKHTIIN KARIN.[alaahu maa balaqtu] wabilaahi tawfiiq siciid cabdi dheen dheen@live.co.uk london
Haqayonews.com
haqayonews@hotmail.com
*************************************************
maqaala kani waxa uu u gaaryahay qoraha iskaga ayaa iska leh xumihiisa iyo wanaagiisaba Haqayonews.com marna kama sauul aha
afkaara ay noo soo diraan akhristayaashayadu!
|