|

Daahir Rayaale Oo Markii U Horeysay Soo Dhex Galay Goobaha Dadweynuhu Ku Kulmaan, Isagoo Aan Wadan Ciidamadiisii Ku Gaashaanaan Jiray Qoryaha Silsiladaha Leh
warko dhan-07-08-010
Rayaale Wuxuu Soo Galay Hotel Maansoor Isaga iyo Dirawlakiisii Oo Kaliya, Waxaanay Dalbadeen Shaah
Hargeysa, August 6, 2010 Haqayonews.com)-Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale kaahin ayaa markii ugu horeysay shalay lagu arkay meel ka baxsan gurigiisa isaga oo aanay la socon askar ama ilaaladii lagu yaqaanay markii uu xilka hayay
Shalay abaaro 11:00 barqanimo markay saacaddu ahayd ayuu Daahir Rayaale Kaahin soo galay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isagoo aanay cidina la socon si caadi ahna isaga xaragoonaya.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin markii uu soo galayey Hotelka Maansor waxaa la socday dirawalkiisa oo keli ah.
Waa markii ugu horesay ee indhaha dadweynuhu qabtaan Daahir Rayaale oo si caadi ah u dhex maraya bulshadiisa isaga oo aan ahayn Madaxweyne.
Madaxweynihii hore waxa uu sidoo kale shalay booqday Madaxtooyada waxaana la sheegay inuu kulan gaaban halkaasi kula yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Dhanka kale waxa shalay galinkii hore iyaguna ku sugnaa Hotel Maansoor, koox ka mid ah wasiiro ka tirsanaa xukuumaddii Rayaale, kuwaas oo qaar ka mid ah halkaasi u tageen ka qayb galka xaflad meher oo Hotelka ka dhacaysay. Waxaana kamid ahaa wasiiradaasi, wasiirkii hore ee warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Cabdullaahi Maxamed Ducaale,wasiirkii hore ee Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdirisaaq Waaberi,Madaxa Hayd’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka Maxamed Xuseen Cismaan [muaddinka] iyo xubno kale oo ka mida taageerayashii xisbiga UDUB.
Si kastaba ha ahaatee booqashada uu madaxweynihii hore ku tagay hoteelada la isugu yimaado ayaa la odhan karaa waxay ka dhalatay siddii sharafta lahayd ee doorashadii lagaga adkaaday uu u aqbalay, taasoo kor u qaaday sumcadii uu bulshada iyo caalamkaba ku lahaa Daahir Rayaale Kaahin.
Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna maalintii doraad waxa uu ku sugnaa hotel Maansoor, isagoo ka qayb galayay munaasibadii uu guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye ugu wareejinayay Muuse Biixi Cabdi, waxaana xiligaasi madaxweyne Siilaanyo hor socday ciidan ilaalo ah oo aad u fara badan kuwaas oo taxnaa ilaa hoteelka dibadiisa, arrintaas oo ka duwanayd bil ka hor habkii uu u iman jiray hoteelada iyadoo aanay wax ilaalo ah la socon marka laga reebo askari keli ah
Haqayonews.com
haqayonews@hotmail.com
KAYSE aden Hargeisa somaliland
|