|
Hargeysa(Haqayonews) Safiirka Somaliland ee Dalka Pakistan, Cabdirsiaaq Axmed Toor ”Diinaari” ayaa shacbiga reer Somaliland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ugu soo baxeen doorashadii shalay ka dhacday dalka. Cabdirisaaq Diinaari oo saxaafadda kula hadlay Hotelka Mansoor ayaa ku ammaanay shacabka, xukuumadda iyo Xisbiyada ku loollamayey hanashada kalsoonida shacabkaba sida ay isugu xilqaameen in doorashadani ku dhacdo si amni ah, isagoo si gaara xukuumadda ugu ammaanay kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaadatay sidii ay u sugtay ammaanka guud ahaan iyo gaar ahaan goobaha codbixinta, sidoo kale Diinaari ayaa komishankana ku ammaanay kaalintooda ay ka ciyaareen sidii doorashadani u qabsoomi lahayd iyo isku duubnaanta ay muujiyeen.
”Waxa aad ii qiiro gelisay sida dadku safafka dhaadheer ugu jireen, waxaa jiray dadka qaar goobaha codbixinta u hoydayba xalaytoole, waxaa jira qaar iyaga oo illaa xalay dhaxanta u soo joogay balse saaka ogaaday in goobtan ay safka ugu jireen aanay ahayn toodii isla markaana si nabadgelyo ah saf kale aroornimadii u qabsaday, taasi waxay muujinaysaa bisaylka shacabka” sidaas waxaa yidhi Diinaari ”waxaa jira dadka badan malaayiin oo aan u diiwaan gashanayn inay codkooda bixyaan, dadkaasi waxaa nasiib wanaag ah inaanayba iman goobaha codbixinta isla markaana ay guryahooda seexdeen iyaga oo shuruucda dalka ixtiraamaya” ayuu intaas raaciyey.
”maalintii shalay may kulansan oo keliya inay somaliland ugu astaysnaato maalin ay dadkeedu soo xulanayaan madaxweynaha hoggaaminaya shanta sano ee soo socota, iyo inay tahay konton guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland xornimo ka qaadato boqortooyada Ingiriiska oo muddo ka badan siddeetan sano gumaysan jirtay, balse waxaa intaas u dheer inay tahay maalin dadka reer Somaliland ay dunida tusayeen inay yihiin dal u bislaaday dimoqraadiyadda isla markaana si nabadgelyo oo aan isqabqabsi lahayn u soo xulan kara cidda shacabkiisu doonayo” ayuu ku soo gebagebeeyey.
Maalintii shalay ayaa la soo gebagebeeyey doorashada madaxtinimada Somaliland iyada oo illaa xalay ilaa mata lagu mashquulsanyahay tirinta
Haqayonews.com
haqayonews@hotmail.com
wahen
Back home
|