|

Sawirkani wuxuu ka Turjumayaa Muuqaalka dhabta ah ila eega
Haqayonews.com
Waxaan Dhamaan salaamayaa shacabwaynaha Somaliland meelkasta ay joogaanba.
Waxaan leeyahay yaan wakhti badani idinkaga lumin, ninkan iska hadlay ee aan afkiisa iyo dhagahiisu ismaqlayn.
Waxaa wax lalayaabo ah, aqoondarada ku jirta ninkaas iyo cadaawada uu u qabo Somaliland , oo qofkii caqli lihi uu garankaro.
SNM marnaba may ahayn Budhcad badeed, taariikhdu Iyadaa is Qortaa, Waxay ahayd maalin Guul ah ka dib markii Ciidamada SNM ee ku sugnaa Xeebaha Xiis iyo Maydh uuna Hogaaminayey Mujaahidka ma Gabadaha ah Ahmed Mire uu gacanta Ku qabtay Markab U siday shidaal dawladii Macangaga ahayd ee Jabtay.
Waa maalin u Quus Goysay taliskii siyaad barre in SNM ay awood ku leeyihiin Xaga badda oo anay filanayn.
Markaa Shacabka Somaliland waxaan leeyahay waxaa la yidhi ninkaad kabaha ka tolanayso kabihiisaa la eega, nin maanta aan Gurigii uu ku dhashay tagi karayn, oo hooyadii oo sakaraada soo eegi kariwaayey isagoo 40 sano aan aragna ay Geeriyootay, maxaad ka filaysaan.
mujaahid Suufi
Posted by Editor
|