Shirgudoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida iyo waftiga Sweden oo maanta kawada hadlay Mushkiladaha ka taagan Goboladda Bari iyo qabsoomida Doorashooyinka

Waaheen(haqayonews.com)  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamud Aadan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiiladda C/casiis Maxamed Samaale ayaa Maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Waftigii ka socoday Dawladda Swedan ee booqashadda ku joogay Somaliland, oo  ka koobnaa Saddex Safiir iyo Sarkaal sare oo ka Tirsan Safaarada Swedan ee  Nayroobi.

kulanakaas oo qaatay muddo dheer ayaa markii uu dhamaaday waxa faahfaahin ka bixiyey wixii ay ka wadda hadleen labadooda dhinac. Shirgudoonka labadda Golle Guurtida iyo Wakiillada Saleeban iyo C/casiis Maxamed Samaale, waxayna sheegen in ay ka wadda hadleen arimo badan oo ay ka mid tahay Sidii loo ictiraafka Somaliland, Arimaha Doorashooyinka labada golle iyo wixii uga meel yaala, Xoojinta Amaanka dalka iyo arimo kale.

Ugu horeyn Guddomiyaha Golaha guurtida oo faahfaahin dheer ka bixiyey Wixii ay ka wadda hadleen Waftigaasi ayaa  waxa uu sheegay in ay isla af-garteen arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Dalku halka ay marayso.

Waxa kale oo uu sheegay in Arinta ugu weyn ee ay kawadda hadleen ay ahayd Arinta Aqoonsiga Somaliland Waxanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya “Koley dadkeenu waxa ay markaba la soo boodaan waar maxay waftigii Aqoonsigeeni ka yidhaahdeen? Markaa arintaasi waanu la soo qaadnay oo waanu kawadda hadalnay waayo Wafti kasta oo  Somaliland yimaadda  oo aynaan kula cabaadin ictiraaf la’aanta ina haysa majirto, markaa waanu  la soo qaadnay sidii laynoo ictiraafi lahaa  laakiin wax diyaar ah oo jiraa ma jiro ayey  nagu yidhaahdeen” Ayuu yidhi Saleeban..

Guddomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan Waxa kale oo uu faahfahin ka bixiyey waxyaalihii ay ka wadda hadleen waxana uu  yidhi “Waxa aanu shir kula yeelnay Xaruntan Waftigii Reer Swedan ee ka koobna Saddexda Safiir iyo Xubin kale oo mihiim ah, waxanu ka wadda hadalnay sidii wax ay inoola qaban lahaayeen, waxa kale oo ay nagala hadleen Qorshayaasha inooga yaala Arimaha Doorashooyinka dhamaystirkood, iyo Mushkilladaha ka taagan Sool, Sanaag Barri  iyo Buuhoodle sidii aynu u xalin lahayn oo aynu u guddo gali lahayn si aynu u noqono Bulsho isku-duuban, waxa kale  oo ay nagala  hadleen Wixii qorsha ah ee inooga yaala Doorashooyinka soo socda ee labada Golle, waxa kale oo aanu ka wadda hadalnay sidii ay inooga caawin lahayeen Dhaqaalaha” Ayuu yidhi Gudoomiye Saleeban

Waxa kale oo Guddoomiyuhu Sheegay in ay waftigaasi waydiiyeen Arimaha soomaliya ka taagani in somaliland ay saamayn ku yeelan karto iyo in kale waxana uu yidhi “Waxa ay na waydiiyeen sidee ayey idiin saamaynaysaa Arimaha  Somaliya ka taagani, markaa waxanu u sheegnay in ay na saamaynayso oo waxa ictiraafka naga hortaaganiba ay tahay amaan darada ka jirta somaliya”Ayuu yidhi Saleeban

Waxa kale oo uu sheegay in Gooni-isutaaga somaliland uu yahay mid muqadas ah oo aan ka noqosho lahayn.

C/casiis Maxamed Samaale oo isaguna ka hadlay kulankii dhexe maray iyaga iyo Waftigii reer Swedan waxa uu sheegay in waftigu ka balanqaaday in sidii hore si ka duwan ay u eegi doonaan xaladda somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in ay kala hadleen sidii loo sii waddi lahaa nidaamka fiican ee doorashooyinka ay ku caano maashay somaliland waxana uu yidhi “Waxa kale oo aanu ka wadda hadalnay Arimaha Siyaasadda Somaliland sidii Doorashooyinka soo socda loo qaban lahaa iyo sidii Arimaha Bariga somaliland si wanaagsan oo nabad-gelyo ah aanu ku wadno,waxanu u sheegnay in wakhtigan  waftiga ka socoda somaliland uu ku maqan yahay waftigaasi oo  uu madaxweyuhu u diray oo ay ka mid yihiin  guddomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha wakiiladda iyo Wassiirka arimaha gudaha Inkasta oo waftigu arintaasi ay la socdeen way ku farxeen”Ayuu yidhi C/casiis Samaale