Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta  Warkii Hore

 

 

 

   ogaysiis ogaysiiS warkii hore ee ku dhaafay markale ka  akhriso halanka. Haqayonews.com

  

 

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimada Kulmiye ugu wareejiyay Muj: Muuse Biixi Cabdi

Read more-04-08-010

 

 

Hargeysa(haqayonews.com)Madaxweynaha Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi

 

Siilaanyo waxa uu xafladii xilwareejinta ee Guddoomiyenimada Xisbiga ka sheegay inuu xisbigu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo

 

Intaanu xilka wareejin ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay xukuumad ahaan inay ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumadda isla markaana ay magacaabeen Golihii wasiirada, taasoo uu sheegay inay ku keentay caqabado badan oo ay ugu weyn tahay xukuumadda la yareeyay oo sababtay dadkii iska waayay inay siyaabo badan u saamaysay, waxaanu ka codsaday dadka dareenkoodu lab kacay inay isdajiyaan oo aanay xanaaqin

 

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay, waxaanu xusay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta xisbinimadaba

 

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inuu yahay Siyaasi aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha, waxaanu xusay maanta oo kaliya inaanu ku sifoobin inuu qadariyo heshiiskii xisbigiisu galay ee uu hore tan oo kale u sameeyay gaar ahaana wakhtigii SNM ee Bali-gaubadle, isagoo intaa raaciyay inuu la shaqayn doono ee aanu ka hor imanayn

Waxa munaasibadii xil wareejinta ka hadlay Lbada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo sida uu u wareejiyay Guddoomiyenimadii xisbiga, Muuse Biixina waxay u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba

 

 wahen

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
 

Hambalyadaan Arooskii Hadraawi .e

Waa Qalinkii Rashid Xaji Ibrahim Naleye ( Rashid Dheere

 

Sheekh Dirir

 

Sheekh Dirir

Wuxuu ka waramayaa safarkiisa Europe.

Maqal   bbc

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 Haqayonews facebook

Haqoyonews Warside

Online now

 

 

 

 

 

 
www.haqayonews.com-2009(R) all Rahts Reserved- web desing By: Eid Aden