Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta Haqoyonews Warside

 

 

 

  

  

 

 

Hargeysa (Haqayonews.com) Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Xukuumadiisii uu shalay ku dhawaaqay ka tagay Xubno faro badan oo ka mid ahaa Xisbiyahanidiisii Kulmiye, Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin waaweynaa oo la filayay inuu ku soo daro liiska Xubnaha Golaha Wasiiradda ee cusub.

Xubnaha sida wayn loo naawilyay ee ka maqan Liiska Wasiirada cusub waxa ugu horeeya Hoggaankii Xisbiga Ku guulaystay talada Dalka ee Kulmiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenadiisii oo uu ugu horeeyo Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Muj. Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo taageerayaashiisii Xisbigaba laga takhalusay, Guddoomiye ku-xigeenkii 2aad C/raxmaan C/qaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad C/raxmaan Talyanle oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Liiskan uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo aan ka dhex muuqan Siyaasiyiin waaweyn oo ka dhex muuqday Xisbiga Kulmiye tan iyo intii la aasaasay Xisbiyada kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Iskeerse oo ah Xog-hayaha Maaliyada ee Xisbiga, Dr. Cabdi Aw Daahir, Fu’aad Aadan Cade, Maxamed Muuse Abees, Dr. Dixood iyo xubno kale oo faro badan.

Madaxweyne Siilaanyo waxaanu liistada Golihiisa Wasiiradda haba yaraatee aan ka muuqan Mujaahidiintii waaweynaa ee sida wayn u garab taagnaa una difaaci jiray tan iyo halgankii hubaysnaa ee SNM sida wayna u dhaliili jiray xukuumada ay ka guulaysteen ee Rayaale kuwaasi oo ay ka mid yihiin Muj. Axmed Muxumed Madar, Muj. Maxamed Kaahin Axmed Af-hayeenkii Xisbiga, Mujaahid Jidhif, Muj. Abiib Diiriye Nuur, Muj. Cabdillahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Mujaahidiintii la yaqaanay oo dhan. Iyadoo maalmahan la hadal hayay inuu Golihiisa Wasiirada ku soo dari doono Mujaahidiin dibada ku maqan sida Muj. Ibrahim Maygaag Samatar iyo Muj. Axmed Mire.

Taasi bedelkeeda waxa Liistada Golaha Wasiiradda ka buuxa wejiyaal ku cusub siyaasadda iyo garabkii kaga soo biiray Urur Siyaasadeedkii Qaran marka laga reebo Jamaal Caydiid Ibraahim, waxaanay taasi meesha ka saartay hadalo la isla dhex-maray maalmihii la soo dhaafay oo sheegayay in hoggaanka Kulmiye isku raacay in laga tago oo aan lagu soo darin xubnaha Golaha Wasiirada Hoggaanka Xisbiga, Madaxdii Urur Siyaasadeedkii Qaran iyo Is-bedel-doonkii xisbigii talada dalka lagaga guulaystay ee UDUUB.

Tallaabadan uu Madaxweyne Siilaanyo kaga takhalusay Hal-doorkii, Mujaahidiintii, Siyaasiyiintii, Aqoonyahankii udub-dhexaadka u ahaa Ololihii iyo tartankii uu Axmed Siilaanyo ugu jiray sidii Xisbigiisu ugu guulaysan lahaa hogaaminta talada dalka, ragaasi oo kaalin mug leh iyo taageerayaal faro badan u soo  jiiday Xisbiga xilligii Olaha Doorashada iyo codayntiiba.

Waxa la rumaysan yahay in haddii aanu Axmed Siilaanyo si kale u maarayn raggani ama aanu ku qancin in ay dibada ka joogaan Xayn-daabka Xukuumada inay ku furi karaan mucaaradad hor leh oo Xisbiga gudihiisa ah.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa uga digay Xubnaha Xisbiga ee iska waaya Liistada Xukuumada ee ku qanci waaya ama diidmo ka muujiya in gebi ahaanba laga caydhin doona lagana saari doono Xisbiga, taasi oo u muuqata afeef hordhac u ah in rag badan oo Xisbiga ah lala maagan yahay xeelad Xisbiga lagaga eryi doono, arrintaasi haddii ay dhacdo waxay tafaraaruq iyo dhaawac ku keeni doontaa Xisbiga Kulmiye oo markiisa horeba ay jireen guux iyo hirdan siyaasadeed uu u dhaxeeya Xubnaha ugu firfircoon ee Xisbiga wada leh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haqayonews.com (R)2009 � News Agency �                                         

 

                 

nn
onle Free counter and web stats