Haqayonews.com
marka ugu horreysa halkan waxaan ka soo salaamaya dhammaan shaqaalaha iyo howl wadeennada web-sit-yada iyo saxaaf marka xigta waxaan halkan ka soo salaamaya dhammaan dadweynaha somaliyeed meeley joogaanba siiba intooda reer somaliland ee suugaanta iyo fanka jecel.
inta dabadeed waxaan jecleystey inaan halkan maanta laga bilaaabo inaan ku soo bandhigo wixii suugaan ah ee aan anna u hayo dadweynaheyga sharafta iyo qiimaha iga mudan .sida darteed a nigo dhammaantiinba leh barasho wanaagsan waxaan halkan idiinku soo bandhigaya saddex heesooed oo lakala yidha.[mar labaad ma kulanna[nasri waaba qureysh[ iyo heesta saddexaad oo la yidhaa dhabaniyo ilwaad ].
heesta 1aad [mar labaad ma kulanna
.
1.mayey da'ay
2.mahiigaan onkodey
3.xareed daadku mulacleeyey
4.mudh geed u baxay
5.laan midho la ciirto
6.maadhiyo tigaaddii
7.la soo gaadhey madaxii
8.muuqood gaarka ah
9.aduunba la midabe
10.mixibbadan kalgacalka leh
11.tuu maanku raacay
12.muramaha caddaankiyo
13.inkastood makeekiga
14.wacad meynu laheyniyo
15.meynaga isniqiiniyo
16.mayadaadii badatey
17.anna aan markeyga
18.ismaqiiqa raganimo
19.malaa wey ku nacde
20.ka maleego inanta
21.malaheygu ahaa
22.naftii maarmi weyde
23.mar labaad
24.ma kulanna.
heesta 2aad oo ah nasri waaba qureysh oo laba beyt ihi, beytka hore wuxu odhanaya.
1.Asluubta loo qiriyo
2.qaadirkii abuurta
3.ku manneystey quruxo
4.nasri waaba qureyshe
5.qaararka waaxyaheediyo
6.qaaya weyna araggeedu
7.qooraansigii'iyo
8.qacdey indhuhu
9.sida u qabteenba
10.sowtan i qoonte
11.qamuunyada jaceylkiyo
12.caashaqa ii qarisey
13.Qadhaadha macaana
14.qiiradan i heysiyo
15.qayayaabku waa maxay
16.qayirey nafteydii.
Beytka 2aad
1.Qalbigii u hiloobiyo
2.aqankii u qushuuca
3.kaba quusan waayo
4.nasri waaba qureyshe
5.qowlkey tidhaahdiyo
6.qummana hadalkeedu
7.qosolkeeda wacani
8.waa waxa i qisaase
9.xadhkahan i qabtiyo
10.qoolka igu kaxeystiyo
11.qandhadan jaceylkey
12.qoorta ii gelise
13.Qadhaadha macaana
14.qiiradan i heysiyo
15.qayayaabku waa maxay
16.qayirey nafteydii.
Heesta 3aad oo la magac baxdey [ Dhabaniyo ilwaad] Beytkeeda 1aad wuxuu odhanaya.
1.Dheg loo xishiyo
2.dhabaniyo ilwaad
3.ilaahbow dhammeeyo
4.dhammaantood hablaheennu
5.dheemmaniyo luuliyo
6.dahabbey u dhigmaan
7.Timo dheero
8.dhabarkooda dhaafiyo
9./dhexdo qabasho ihi
10.dhalankooda weeye
11.Ma casar dheer
12.dhibaca da'ayey
13.dhanka cadceeddu
14.kaga soo dhacdiyo
15.dhal dhalaalkii biyaha
16.shucaacii soo dhex mara
Beytka 2aad
.1.Rodo dhammeysiyo
2.hiboon la dhaafi kareyniyo
3.dhudiba ku jirto
4.dhammaantood hablaheennu
5.ma kala dhacaano
6.isuma dhiibtaan quruxda
7.Indho hoos u roggaasiyo
8.xishoodka ka dhabo
9.dhoolla ka qosolkaasi
10.dhalankooda weeye
11.Ma ulahaasi dhebige
12.baarka isla dhaafe
13.isku wada dherersadiyo
14.dhirta magooshe
15.ubaxa lala dhiciyo
16.dhillowyahankaasi isku mara
waa mahadsantihiin
Waa qalinkii Abwaan Rashiid xaji ibrahim naleye [Rashid dheere]