| Hargeysa(Haqayonews-com)- Xisbiga Siyaasiga ah ee Udub ayaa goor dhaweyd soo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegeen in Xisbiga Kulmiye ku shubtay Doorasahadii Gobolada Maroodijeex, Togdheer, Sool, Sanaag iyo Hargeysa
Waxaanay war-saxaafadeedkaasi ay soo saareen fariin culus ugu direen Komishanka Doorashooyinka oo ay ka dalbadeen inaanay ku dhawaaqin natiijo hordhac ah inta wax laga qabanayo dacwado ay sheegeen inay u gudbiyeen Komishanka
Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax waxa uu u dhignaa sidan:-
Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa Dalka ka dhacday, taasoo si Nabad galyo ah inoogu qabsoontay, Illahay baana mahadaa leh iyo Shacbiga Somaliland, waxase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay Ku shubasho caam ah, taas oo ka dhacday Gobolada Maroodijeex Degmadiisa Gabilay, Gobolka Togdheer qaybtiisa Bari iyo Buuhoodle, Sanaag Degmooyinka Ceel Afwayn iyo Gar adag, Gobolka Sool Degmadiisa Caynabo iyo Goobo ka mid ah Degmooyinka Caasimada Hargaysa 26 ka Juun iyo Axmed Dhagax.
Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan Komishanka Doorashooyinka Qaranka hadaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida Xeerku Qeexayo aanay soo saarin Natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay Komishanka Dorashooyinka Qaranka,
Ugu danbantii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeedkani yahay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku aanu soo saarin Natiijo hor dhac ah inta khilafkaa laga heshiinayo, taasoo abuuri karta Duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid Nabadgalyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu Masuul ka yihiiin
HAQAYONEWS
haqayonews@hotmail.com
|