Home    C ontact US        haqayo team-     Diin      suganta Haqoyonews Warside

 

 

 

  

  

 

Muacaridka ah ee UDUB oo ka Hadlay Aragtidiisa ku Wajahan Xukuumadda Cusub ee Axmed-Siilaanyo UCID oo ka gaabsaday inay xilligan ka hadlaan golaha wasiirrada madaxweynuhu magacaabay

Hargeysa (Haqayonews.com)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee uusoo dhisay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuu(Siilaanyo) ay yar tahay Golaha xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin.

Muj. Cali Guray oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga waydiiyo sida ay xisbi ahaan u arkaan golaha wasiirrada Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay shalay, waxa uu xusay in shakhsi ahaan aannu aqoon badan u lahayn xubnaha la magacaabay, sidaa darteedna aannu waxba ka odhan Karin tayadooda iyo aqoonta ay leeyihiin.

“Marka loo eego dawladdii hore ee Rayaale, xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay way ka yar tahay oo waxay ka kooban tahay 20 wasiir iyo lix wasiir-ku-xigeen, runtiina anigu wasiirradan cusub waxba kama garanayo, marka laga reebo rag kooban oo ku jira liiska.

Inay tahay xukuumad tayo leh oo tii dadka loo ballanqaaday ah iyo in kalena waxa la qiimayn karaa marka ay muddo hawshooda wadaan oo iminka waxba laga sheegi kari mayo,” ayuu yidhi afhayeenka xisbiga UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo iyagana aannu la xidhiidhay si wax looga weydiiyo dareenkooda la xidhiidha dhismaha xukuumadda cusub, ayaa ka gaabsaday inay xisbi ahaan ka hadlaan xukuumadda Axmed-Siilaanyo, iyaga oo xusay inay xisbi UCID ahaan isla garteen in aanay xiligan waxba ka odhan golaha wasiirada la magacaabay

 

haqayonews.com

fariimahiina  noogu soodira

 

haqayonews@hotmail.com

 

Ninkii UDUB Somaliland ku ahayoow UDUB way dhacday ninkii somalilanders dhaba ahaayoona somaliland wayjirtaa waanay joogaysaa waligeed

 

Read more

 

MASUULIYIINTA ISBAARADA U DHIGTAY XAFIISYADAY FADHIYEEN GAWAADHIDIINA FADHATAYSTAY!!!!!

 

 

.

 suuganta cusub ee  uu Abwaan Rashiid Xaaji Ibraahim(Naleye)  D aahfur

AKhriso

 

Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib

Qiso xiiso badan oo dhaba

Xadiis Maxamed Xadiis

 

 

heesta cusub sahra Ilays

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Haqayonews.com (R) 2009 haqayo news Agency( All Rihts Reserved      Free counter and web stats
ONELINE Free counter and web stats