| Hargeysa(Yool)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir "Cukuse", ayaa War-saxaafadeed ka soo bilowgii Toddobaadkan warar is-burinaya oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo Madax-dhaqameed si qarsoodi ah ugu shiray meel ka mid ah deegaanka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan: "Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle kaga hadleen arrimaha nabad-gelyadda ee deegaamadooda, waxaana sida la sheegay shirkaasi ay odayaashu isku af-garteen Qodobo ay u arkeen inay nabad gelyada deegaamadaasi caawinayso.
Waxa kale, oo ay kaga hadleen sida ay War-baahinta u sheegeen Qodob ay ku soo qaadeen Ciidamadda Qaranka. Kaasi oo sida muuqata dheeraad ku ahaa oo aanay xaq u lahayn inay ku darsadaan go'aamadooda.
Xukuumadda Somaliland oo sideeda-ba u taagan sugidda Qaranimada Somaliland iyo adkaynta nabad gelyadda, waxa ay mabda ahaan soo dhowaynaysaa dhaq-dhaqaaq kasta oo u adeegaya Nabad gelyadda iyo wada hadallada heer kastaba leh ee la xidhiidha arrintaasi nabad gelyada min qoys ilaa Qaran.
Waxa kale, oo ay Xukuumaddu si cad u sheegaysaa in arrinta Ciidamada Qaranku aanay ahayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood midna ka talin karIn ee ay tahay arrin u taala Dawladda Somaliland."
Ilaa hadda marka la eego dareenka dadweynaha ee wax-garadka ah, kuma qanacsan jawaabaha ay Xukuumada Somaliland ka bixisay Shirkii qarsoodiga ahaa balse xaga Alle Marada looga feyday oo sida ka muuqatey hadalladii Suldaan Siciid Cusmaan Cali oo ku hadlayey Afka Dhulbahante ahna mid ula jeedadiisu ka fogtahay Ciidan laga soo raro deegaanadaasi, haseyeeshee ahaa mid si cad loogu wiiqayey jiritaanka Qaranimada Somaliland.
Suldaanka ku hadlayey Afka Madax-dhaqameedyada Dhulbahante, waxa uu si cad ugu dhawaaqay waxa uu ugu yeedhay Gobolka "Cayn" in aanay u oggoleyn wax Ciidamo ah oo ka soo jeeda Somaliland, iyadoo aan ogsoonahay in Mgaca "Cayn" ay Maamulka Puntland ula baxday Degmada Buuhoodle iyo degaannada hoos yimaada oo ay ka dhigeen Gobol, waxa na taas sii caddaynaya hadalkiisa oo uu ku sheegayo in dadku iyagoo Qabiil ah oo aan dawlado kula sheeganeyn is-dhex socdaaan iskuna furmaan Min Boosaaso ilaa Saylac.
Geesta kale, waxa uu Afhayeenku u hadlayey garabka Dhulbahante ee shirkaa la sheegay ka qaybgalay oo uu Garaad Saleebaan oo ku can baxay la dagaallanka Somaliland uu Gadh-wadeenka ka ahaa, isla markaana ahaa Ninka u dhiibay ee ka saxeexay xadhkihii uu ku xidh-xidhin lahaa Somaliland una soo dhiibay Madax-dhaqameedyo ka tirsan Beesha Bariga Burco, oo ay si cad usoo bandhigeen inay kala ahaayeen laba dhinac oo kala watay Mabaadii aan isku mid ahayn, waa siduu hadalka u dhigay Afahyeenka Dhulbahante.
Hadaan Tusaalayaal ka soo qaadano hadaladii BBC-da laga baahiyey ee Afhayeenka Madax-dhaqameedyada Dhulbahante Sul. Siciid Cismaan Cali, waxa ka mid ahaa: "Waxanu kala nahay Qolo Kitaab iyo Koofiyad wadata iyo Qolo Qoryo iyo Ciidamo wadata." Waxa kaloo ka mid ahaa hadaladiisa: "Waxaanu doonaynaa oo aanu ku heshiinay in aaga CAYN la yidhaahdo laga qaado Ciidamada ku sugan loona celiyo fadhiisinadoodii hore." Iyo isagoo sidoo kale yidhi: "Soomaaliya in aanu isu furno inta nabadu ka jirto Min Boosaaso ilaa Seylac, maadaama intii kale ee Soomaaliya waxa ka taagan la arko." Iyo hadallo kale oo la mid ah.
Haddaba, arintu waxay tahay [Gun-jaaxo Geel wax Gunti la Geliyo ka Weyn], taasoo micnaheedu yahay in xaaladu ka weyn tahay Ciidan, balse ay tahay duulaan, kala-fur-fur iyo diidmo cad oo ah jiritaanka Qaranimada Somaliland oo ah mi aan gor-gortan waxyaabahan oo kale ah geli karin horena u soo gelin Labaatankii Sanno ee ay soo jirtay. Waayo diidmada Ciidanka Somaliland waxa ay la mid tahay diidmada Qaranimada Somaliland, sida ka muuqata hadalada Afhayeenka u halay Madax-dhaqameedyada Dhulbahante. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in Somaliland wax-garadkeeda iyo hoggaankeeda maamul-ba inay arintaas siday hada tahay wax-ka-bedelaan lagana dhigo arin Qaran, iyadoo cidii diidan Qaranimada Somaliland-na loola-na dhaqmo hab ka duwan sidan.
"Waxaan Qaramayn Doonaa Madaarka Ceerigaabo..."
Wasiirka Cusub ee Duulista iyo Hawada
Hargeysa(Yool)-Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa daboolka-ka-qaaday inuu ku hawlan yahay qorshe uu ku damacsan yahay sidii dib gacanta dawlada ugu soo celiyo Madaaraka diyaaradaha ee Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Hadalkan oo Wasiirku Shalay ka sheegay xarunta Golaha Wakiilada, halkaasoo uu u tegay si ay Mudanayaashu u siiyaan Codka kalsoonida ama Ansixinta xilka uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Md. Maxamuud Xaashi oo ka hor intii aanu Goluhu gacanta u taagin Xildhibaanada u soo ban-dhigayey waxqabadka u qorshaysanmuddooyinka soo socda, waxa uu yidhi: "Waxa ii qorshaysani way badan yihiin, balse waxa ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn waxaan doonayaa in aan Qarameeyo Madaarka Magaalada Ceerigaabo oo isagu hadda aan Qaramaysnayn."
Waxa kaloo, Md. Maxmuud Xaashi uu intaa ku daray inuu ku talo jiro sidii uu u hagaajin lahaa guud ahaan Madaarada, gaar ahaan goobaha loogu talo galay inay ku nastaan Madaxda Qaranka ee loo yaqaano VIP-da, isagoo arintaa ka halayana waxa uu xusay in Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay ka mid noqon doonaan dadka ku nasan doona Goobahaasi oo uu sheegay in isaga loo diiday inuu ku nasto waqtigii uu ku jirey Golaha Wakiilada Somaliland.
Haddaba, hadalkan Wasiirku sida gaarka ah ugu duray Madaarka Magaalada Ceerigaabo, ayaa u muuqda inuu noqon karo mid is-weydiimo hor leh ka dhex abuuri kara bulshada reer Somaliland, kuwaasoo dadweynuhu iskaga warsanayo sida wax uga jiraan arintan Wasiirku ka dhawaajiyey, balse in qayb ka mid ah Magaalada Ceerigaabo aanu ka jirin Maamulka Somaliland iyo in kale waxay arintaa caddaynteedu ku xidhan tahay jawaabata uu ka bixiyo Maamuulka Gobolka iyo wax-garadka ma Madaxda-dhaqanka ee Magaalada Ceerigaabo.
Dufcaddii u Horeysay Xukuumada Cusub oo Wakiiladu Fara-farayn La'aan ku Ansixiyey
Hargeysa(Yool)-Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 14 Wasiiro iyo Wasiir-ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumada cusub ee uu dhowaan soo dhisay Madaxweyne Axmed Silaanyo.
Fadhiga Golaha oo uu Shir-guddoominayay Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyey inay ansixiyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
Madasha fadhiga ee Golaha oo ay maanta ku sugnaayeen 65 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa intii aan la guda-gelin ansixinta waxaa halkaas laga akhriyey CV-yada 14-ka Wasiir iyo Wasiir ku xigeen, iyada oo ay ku lifaanyihiin waraaqaha Caafimaadka iyo dembi la'aanta.
Intii aan la sixin Wasiiradan, ayaa Wasiir kastaa waxa uu madasha Golaha kaga xog-waramay waxyaabaha uu muhiimada saaraya ee ee ku tacaluqa waajibaadkiisa shaqo ee looga fadhiyo inuu dalka iyo dadkaba u qabto.
Markii la guda-galay ansixinta Xubaha Wasiirada, ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu tilmaamay in Mudaneyaashu mid mid u ansixinayaan Wasiirada, isla markaana loo qaadayo codka gacan-taag ah. Waxaana ansixinta Wasiiradu u dhacday sidan:
1- Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, markii codka ansixintga loo qaaday waxa ogolaaday 58 Mudane waxa diiday 2 Mudane, waxa ka aamusay hal Xidhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
2- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday waxa 58 Mudane waxa diiday 1 Mudane, waxa ka aamusay Mudane, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
3- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 60 Mudane. Waxa ka aamusay 1 Mudane, 1 Mudane ayaa diiday Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
4- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 61 Mudane, waxa ka aamusay 1 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
5- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 59 Mudane, waxa ka aamusay 3 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
6- Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 62 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
7- Wasiirka Cadaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aare, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.
8- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin, sidaas ayuu ku ansaxay.
9- Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 63 Mudane, hal mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
10-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, markii codka ansixintga loo qaaday waxa ogolaaday 63 Mudane waxa 1 mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
11- Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Maxamed Yoonis Cawaale, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
12- Wasiir-ku-kigeenka Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
13-Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku ansaxay.
14- Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, markii codka ansixinta loo qaaday waxa ogolaaday ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuu ku qaaday.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Wasiirada inta hadhay berito la ansixin doono.
Axmed Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wakiilka EU-da ee Soomaaliya
Hargeysa(Yool)-Daxdweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hoggaaminaayey Mr. Geroges-Marc Andre oo ah Wakiilka EU-da u qaabilsan Soomaaliya. Sida lagu sheegay Wa-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir "Cukuse", waxa kulanka labada dhinac uu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad.
War-saxaafadeedkaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhignaa sidan: "Xubnaha wefdiga oo kaobnaa 13 Xubnood kana ka kala socda dalalka Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo UK.
Waxa Madaxwaynuhu uga waramay xaalada guud ee Somaliland ee dhinacyada nabad gelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha.
Waxa kale, oo Madaxwaynuhu weftiga uga waramay dhismaha Xukuumada oo uu sheegay inay tahay Xukuumad aad u Tiro yar, isla markaana Tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu, waxa uu tafaasiiska bixiyey siyaasada Xukuumada Cusub ee Horu marinta Wadanka iyo inay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore.
Dhinaca kalena Madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda.
Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre, ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii dalka ka dhacday iyo Sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu soo maalilnad ku dhiiriyey dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho dhismaha dawladnimada iyo Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinaayo taas."
Wargyska YOOL
Hargaysa
Somaliland |