|
Weriye Mashqac Geliye iyo Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa(Yool)-Intiini la socotay Barnaamujkan “Yool-Baadhka Siyaasiyga”, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ah mid gaar ah oo si toosa uu Weriye Mashqac geliya ula yeeshay Madaxweynaha wax yar ka dib markii uu soo saaray liiska dufcada Labaad ee Masuuliyiinta hay’adaha dawlada iyo xubno ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, kaasoo Madaxweynuhu kaga waramayo asbaabaha uu qaybtan u sameeyay iyadoo ay jiraan dad badan oo si weyn uga warsugayey magacaabista qaybta labaad ee Xukuumadiisa, maadaama ay in badani ku qadeen qaybtii hore ee dhismaha Xukuumadiisa.
Barnaamujkan “Yool-baadhka Siyaasiga”, Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland.
Haddaba, qaybtii Koowaad ee Waraysigaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhacay sidan: S: Madaxweyne, waxaad maanta soo saartay xubnihii Madaxda ka noqon lahaa Hay’adaha Dawladda ee Xukuumaddaada, markaa ma la odhan karaa saami qaybsigaagu waa mid caddaalad ah oo ay Beeluhu kawada dhexmuuqdaan.?
J: Adeer haa waa la odhan karaa oo waa mid caddaalad ku qaybsan, haddii aan wax yar kaaga sheegana dadkan aad arkaysaa maaha kuwo aanu qorshe la’aan ku soo magacaabnay, balse waxaanu ka duulaynaa qorshe ku salaysan xog-ururin uu Wasiirkayga Duulistu Maxamuud Xaashi ku sameeyey qaabka saami-qaybsiga Hay’adaha Dawladda iyo Agaasimayaasha, taasoo sidii cid waliba ogeyd ay Beel gooni ahi dalkoo dhan haysatay. Maxaa markaa aniga ii diidaya inaan Beeshayda sed-bursiimo ay in badan ka qatanaayeen.
S: Md. Madaxweyne, cabashooyin ayaa ka jiray magacaabistii hore, ma laga yaaba in ay magacaabistan dambena cabasho kale kaaga timaado?
J: KKKK…. Horta waad iga qoslisay Mashqac-geliyoow, Adeer cabasho bani-aadam ilaa iyo Rasushii uu Ilaahay soo diray ayey soo taxnayd, haddaanse aqoon dadkan u leeyahay saami-qaybsigaygan cabasho kama muuqato, waayo, bal eeg sida aan cid walba shaqadii lagu yaqaanay ugu dooray, La soco….
Halkan ka akriso qaar kale oo ka mid ah wararkii wargyska Yool ee maanta
Salaadiinta Culus oo ka Digay Cawaaqib-xumo ka Dhalan karta Ruqsadda Madaxweynuhu Siiyey SOMCABLE
“Waxa Muuqata in Madaxweynuhu uu kala Garan Waayey Golihii Xukuumadda iyo Ganacsatadii”
Sul. Maxamed Sul. Xirsi Qani
“Madaxweyne, Haddii DAANTAA laga Qoslayo, DAANTANNA waa laga Cadhaysanyahay Sul. Yuusuf Xiirey
Hargeysa(Yool)-Suldaanka guud ee Beelaha Habar-yoonis, Sul. Maxamed Sul. Xirsi Qani, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu kala garan laayahay Golaha Xukuumadda ee uu xaqa u leeyahay inuu magacaabo iyo Ganacsatadii dalka ee ka Madaxbannaaneyd maamulkiisa. Sidaana waxa Suldaanku ku sheegay Shir-jaraa’id oo ay shalay gelinkii dambe ku qabteen isaga iyo koox Salaadiin iyo Boqorro ah oo ka soo jeeda Beelaha Garxajis, kuna qabteen Hutelka KAAH ee Magaalada Hargeysa. Shirkaa jaraa’id oo kooxdaa Salaadiinta ahi ay ku daba joogeen ruqsadda uu Madaxweynuhu u siiyey Shirkadda SOMCABLE inay dalka keento khadka isgaadhsiinta ee Badaha hoostooda. Arrintaasoo Salaadiinta Beelaha Garxajis ay ku tilmaameen mid laf-jab ku ah, isla markaana wax weyn u dhimaysa yidediilladii iyo rajadii ay bulshadu ka filaysay Axmed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, maadaama uu Madaxweynaha cusub xilligii doorashada iyo ka horba uu bulshada u soo bandhigi jiray barnaamijyo aad u qurux badan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in haddii talada dalka loo doorto uu si xaq-soor ku jiro ugu caddaalad-fari doono muwadiniinta reer Somaliland, isla markaana aanay dhici doonin dad si gaara loogu naas-nuujiyo awoodda iyo hantida Qaranka. Hasayeeshee, waxa ay kooxdaa Salaadiinta ahi sheegeen in arrintaasi ku beenowday digreetadii uu ku sheegay inay Sirkadda SOMCABLE ugu oggolaaday inay dalka ku keento kelideed khadka isgaadhsiinta ee badaha hoostooda soo mara. Sidoo kale, waxa ay Salaadiintu carrabka ku dhufteen in Madaxweyne Siilaanyo looga baahan yahay in uu ka noqdo go’aankaas, isagoo ka eegaya dhinaca caddaaladda, maadaama ayey yidhaahdeen ay jirto Shirkad kale oo taa ka horreysay oo iyaduna haysata ruqsad uu siiyey Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Sul. Maxamed Sul. Xirsi Qani, ayaa shirkaa jaraa’id ka caddeeyey mowqifka Salaadiin ahaan ay ka taagan yihiin arrintaas iyo sida fudud ee Madaxweyne Siilaanyo uu ugu dhaqaaqay go’aanka uu ku oggolaanayo arrintaas, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxa muuqata in Madaxweynuhu uu kala garan waayey Golihii Xukuumadda iyo Ganacsatadii, oo midna uu xaq u leeyahay inuu soo magacaabo xubnaha u buuxinaya jagooyinkaa uu doonayo, midka kalena aanu xaq u lahayn inuu awoodda ugu kala sad-buriyo, waxaana looga baahnaa inuu Madaxweynuhu hubsado arrintaa oo aanu ku degdegin, haddii uu ka maarmi waayana uu tartansiiyo labadaa Shirkadood, kadibna uu siiyo middii xaqa u yeelata.” Sidoo kale, Sul. Xiirey oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay arrintani tahay mid wax weyn u dhimaysa rajadii bulshadu ka qabtay hoggaanka cusub ee uu madaxda ka yahay Axmed Siilaanyo, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa; “Madaxweyne, haddii daantaa laga qoslayo, daantanna waa laga ooyayaa, waxaana loo baahan yahay in Ganacsatada iyo mowaadiniintaba aad u xaq-soorto, uguna xaq-soortid awooddaa ay kuu igmadeen.” Sul…..oo ka tirsan Salaadiinta Beelaha Ciidagale, ayaa isaguna madasha ka jeediyey hadal dheer oo isugu jiray maahmaaho iyo taariikho hore oo uu ku hogo-tusaaleynayey Madaxweynaha cusub dhibaatada ay leedahay caddaalad-la’aanta iyo sida ay durba wax isaga beddeleen haddalladii quruxda badnaa ee Axmed Siilaanyo bulshada uga jeedin jiray fagaarayaasha Khayriyadda xilligii uu tartanka ku jiray hoggaaminta dalka, waxaana hal-ku-dhegyadii Suldaankaas ka mid ahaa sheeko dheer oo uu tusaale ugu soo qaatay Axmed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, taasoo uu sheegay inay ka dhacday magaallada Hargeysa horraantii 70-kii, gaar ahaan markii Taliskii Siyaad Barre uu soo saaray go’aankii uu ku simayey ragga iyo dumarka. Arrintaasoo sida Suldaanku xusay kacdoon weyn ka abuurtay dalweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya, Somaliland-na ay xilligaa ka mid ahayd, haddaba waxa Suldaanku tilmaamay saameyntii ay wakhtigaa ku yeelatay magaallada Hargeysa dadka ku dhaqma oo uu sheegay in markii ay liqi kari waayeen masaladaas uu maalin maalmaha ka mid ah Iimaamkii tukin jiray Masjid Jaamicii hore ee Hargeysa Alle ha u naxariistee oo hadda geeriyooday uu dadka iskugu soo saaray dooxa Hargeysa si uu uga jaahil saaro arrintaas. Hasayeeshee, halkii ay Sheekha ka filayeen inuu dhalleecayn iyo cambaareyn ka soo jeediyo taliskii hore ee Siyaad Barre uu mar keliya wadaadku la soo jeedsaday “Xuquuqda Dumarka Nebi Muxamed (NNKH) si weyn buu kor ugu qaaday oo derejo sare ayuu gaadhsiiyey. Kacaanka barakaysanina isaguna kor buu u qaaday oo meel saruu gaadhsiiyey, annaguna waanu ku raacsanahay.” Markaa waxa uu Suldaanku yidhi; “Axmed Siilaanyo, in badan buu ka hadlay Maxjarka Berbera, waxa kale uu ka hadlay markii ay Dawladdii hore iibisay Guryihii Shacabka oo uu sheegay in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay u tartamaan marka la iibinayo hantida Dawladda, kadibna ciddii ku guuleysata la siiyo, balse waxa muuqata maanta aan xaalka Axmed Siilaanyo uu la mid yahay Wadaadkaa aan soo sheegay, arrinkiisuna uu yahay Dawladdii hore wixii ay bixisay meel fiican bay gaadhsiisay, wixii ay iibisayna meel fiican bay gaadhsiisay, annaguna waanu ku raacsanahay.” Ugu dambeyntii, waxa ay kooxdaa Salaadiinta ahi ugu baaqeen Axmed Siilaanyo inuu arrintaa talo dambe ugu noqdo isagoo ka eegaya xuquuqda uu distoorku siiyey muwaadiniinta xuquuqda ay dalka ku leeyihiin, Distoorkuna uu qeexayo in ganacsigeenu yahay mid xor ah oo aan cidna kooto looga dhigi karin.
Madaxweyne Siilaanyo oo Mar kale DIGREETO ku Oggolaaday Maxjarka Shirkadda INDHA-DEERO
Hargeysa(Yool)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa toddobaad gudihii waxa uu mar labaad digreeto ku soo saaray go’aan uu ku oggolaaday dhaqan-galka Maxjar Shirkadda Indha-deero, kaasoo dhismihiisa laga hirgeliyey duleedka magaallada Berbera, isla markaana uu muran badani ka taagnaa dhab ahaan cidda leh, inkastoo masuuliyiinta Shirkadda Indha-deero ay marar badan ku cel-celiyeen in ay yed ahaan u leeyihiin, haddana waxa jira tuhun badan oo weliba foodsaaro leh oo sheegaya in Maxjarka uu leeyahay Ganacsadaha Carbeed ee Al-yaasir, kaasoo ka mid ah maal-qabeennada Sucuudiga u dhashay ee sida weyn uga soo horjeeda Maxjarka Shirkadda Al-jaabiri ka hirgelisay dhismihiisa magaallada Berbera, kaasoo Ganacsade Al-jaabirina uu dalka Sucuudiga uga soo qaatay oggolaanshe ay si toosa Xoolaha lagu baadhaa u tagi karaan dalka Sucuudiga. Arrintaasoo tijaabadii ugu horreysay ay u dhacday sidii sidii uu sheegay Ganacsade Al-jaabiri, isla markaana Xoolihii sannadkii tagay ka dhoofay Dekeda berbera oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 2-milyan oo Neef ay si toosa uga dageen Magaalada Xeebta ku taala ee Jidda, haddaba arrintan ku saabsan Maxjarkan labaad oo saameyn togan ku yeelan karta Xoolihii sannadkan la filayey ina ka dhoofaan Dekeda Berbera, marka la gaadho wakhtiga Xajka, sababtoo ah waxa uu xafiiltan xoog lihi ka dhexeeyaa labadan Ganacsade ee Al-yaasir iyo Al-jaabiri oo midna fadhigiisu yahay Jabuuti, ka kalena uu yahay Berbera. Haddaba, digreetada uu Madaxweynuhu ku oggolaaday dhaqan-galka Maxjarkan oo lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Cukuse isaga oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Maanta (Shalay) Digreeto uu ku ogolaanayo Maxjarka National Berbera Quarantine. Markuu arkay: Qodobka 11aad iyo Qodobka 22aad ee Dastuurka qaranka. Markuu arkay : Taladii gudiga kasoo talinta Maxjarka cusub ee Berbera. Markuu dhegaystay: Ganacsatada kala duwan ee Xoolaha dhoofisa. Markuu tixgeliyay: Duruufaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee wadanku ku jiro Madaxweynaha JSL: Wuxuu ogolaaaday in Maxjarka National Berbera Quarantine ka mid noqdo Maxjarada Xoolaha lagu Caafimaadiyo. Maxjarkan National Qaurantine Berbera waxuu furmayaa marka lahelo ruqsad cadaynaysa in Xoolaha looga dhoofin karo wadamada khaliijka. Madaxweynaha JSL: Isagoo tixgelinaya Qaybta 3aad, Qodobka 3.1.1 ee Xeerka Xoolaha ee Qaranka (national veterinary code) wuxuu Madaxweynuhu cadaynayaa in gebi ahaanba maxjaradu noqodoonaan hanti qaran mustaqbalka loona celindoono ganacsatada wixii ka galay. Iyadoo maamulkiisa ay Xukuumadu si buuxda u yeelan doonto. Isagoo tixraacaya taladii gudiga Xukuumada ee Maxjarka cusub Madaxweynaha JSL wuxuu farayaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, maamulka maxjarka iyo dhamaan ganacsada Xoolaha dhoofisa in Maxjarka shaqeeya ee dawlada loo wada isticmaalo si siman oo cadaalada. waxaana reeban wax kasta oo rebshad ama caqabad ku keeni karta Xoolaha dhoofintooda.”
Burco: Jid Laami Cusub ah oo Xadhigga laga Jaray Burco-(Yool)-Gudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasim Maxamed Cabdi ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray jid laamiha oo dawlada hoose ee burco fulisay malgalisaeyna marana badhtamaha magaalada, jidkan oo loo baxyay 27 may dheerkiisuna dhan yahay 1km ayaa waxa ku baxday lacag dhan 70,000kun oo dolaar. Gudomiyaha gobolka Togdheer oo munasibadi furitaanka wadadan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharf kala duwan laguna qabtay badhtamaha wadaasi cusb, ka hadlay ayaa dawlada hoose ee Burco ku amaanay wax qabadka iyo horumarka laxaadka leh ee ay ka fuliyeen magalda Burco, gudoomiyaha ayaa sheegay in maamul ahaan ay la shaqyn donaan dawlada hoose, waxaanu badhasaabku balan qaaday in ay gobolka soo gaadhsiin donaan balamihii ay u balan qaaday dawlda cusub, madaama aynu dooranay is badal waxa aynu u dooraneyna tahay ,horumar iyo waxqabad muuqda. Mayerka degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab ayaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ayaa ka dhawajiyey in laamigan ay dhiseen u yahay mid ay ku dhiseen lacagta e cashuurta ah ee ay dadka ka qadaan, duqaya ayaa carabka ku dhuftay in magaalda Burco aanay laheyn dakhli ka soo gala cashuuro ay qadaan madama aanay kastam iyo deked midna laheyn, balse dakhligeedu yahay cashuurta laga qaado dhismayaasha iyo xoolaha nool. “dhismaha jidkan cusb ee lamiga ah cid naga caawisay ma jirto , waana cashuurtii aanu dadka ka qa adaynay , oo aanu dib ugu soo celiyey, ujeeda ugu weyn ee meesha ku jirtana waxay tahay in dadka tusaale ay u nqoqoto oo ay ogadaan in ay wax qabsan karaan ,waxanu dhawaan bilaabi donaana jidkii kale ee lamiga ahaa ee aanu hore u balan qaadnay, waxaano qorshaeysan Sandakan y wax ka qabshada adeegyada bulshada iyo kor u qadida bilicda magaalda”. Xildhibaan Maxamed Diiriye Xeyd oo ka mida xildhibaanada golaha degaanka Burco ayaa munasibadaasi ka hor akhriyey waxii golaha degaanka Burco u qabsoomay intii ay xilka hayeen, waxa u dhiman iyo wailba waxay ay u baahan yihiin in wax lagala qabto, oo ay kacawiyaan shirkadaha bulshada iyo waliba dawlda dhexe, Xildhibaanka ayaa bulshada ka codsaday in wixii amaan iyo dhaliil ay leyihhin iyo walib tala soo jeedina ay in ay u soo gudbiyaan. waxaa yaguna halkaasi ka hadlay odyaal iyo waxgarad dhamaantooda dowlada hoose ee burco ku amaanay wax qabdka ay ka hirgalisay magaalda Burco, una soo jediyey in ay halkaasi ka si wadaan wax qabd kooda ee aany ka cajisin. Gudoomiyaha gobolka Togdheer, ayaa Shaahada Sharafyo ay Dawladda Hoose ugu Talo gashay Gudoonsiiyey Xubno ay ka Mid ahaayeen Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose, Jamhuuriya Media Group, HCTV, Dahab Shiil iyo Telesom. Duqa magaalda Burco Maxmuud Axmed Xasan Dhagalaab ayaa marka loo eego mayeradii ka horeyey noqonaya mayerkii ugu horeyey ee wax qabad la taaban karo ka hirgaliya magalda Burco. Jidkan laamiga ayaa noqonaya jidkii ugu horeyey ee noocisa ee Burco laga sameyeeyo mudo ku siman 30sanadood, marka laga reebo biriishyo ay bulshada reer Burco iska wax u qabso ku dhisteen. Bulsha weynta reer togdheer ayaa ah dad ayaan yagu waxba ka sugan dawlad wax u qabata ee ayagu mar walba gamcaha isu qabsada sidii ay u hour marrin lahayeen magaladooda.
Dagaalka Xadhkaha Badaha Hoostooda iyo HABIIB BURQIIBA Qaybtii 3aad Ganacsade Maxamed Siciid, oo sida lagu sheegay War-saxaafadeed habeen hore ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland uu madaxweyne Siilaanyo u oggolaaday Shirkad uu leeyahay oo lagu magacaabo SOMCABLE in ay Somaliland soo gaadhsiiso khadka isgaadhsiinta Badda. Inkastoo ay jiraan goldoloolooyin faro badan oo marka maamul ahaan loo eego ka muuqday warsaxaafadeedkii Xukuumadda Somaliland ugu oggolaatay Shirkadda SOMCABLE inay dalka keento farac ka mid ah xadhkaha isgaadhsiinta ee Badaha hoostooda mara, haddana waxaan muran ku jirin in tallaabadani ahayd abaalmarin Madaxweynaha cusub uu siiyey mid ka mid ah raggii kaalinta weyn ka soo qaatay madaxtinnimadiisa, kaasoo uu weliba dabada ka riixayo mid ka mida saaxiibbada waaweyn ee laf-dhabarta u ahaa Xisbiga Madaxweynaha cusub iyo Xisbigiisii KULMIYE-ba, kaasoo sida ay warar xogogaal ahi sheegeen ay khasab ku noqotay inuu maamulka cusub ka taageero Ganacsadaha reer Jabuuti sidii uu u heli lahaa ruqsadda, isaga oo u habranaya fursado ganacsi oo uu dhowaan ka yegleelay dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti. Haddaba, la soco qaybta dambe xogo iyo macluumaad faah-faahsan oo ku saabsan xaddiga awoodda ama orodka mowjadaha ee uu haysto Company-ga reer Jabuuti ee ruqsadda la siiyey SOMCABLE iyo weliba suurtogal ahaan qaabka uu ku iman karo dalka marka loo eego shuruucda caalamiga ah ee u taala Company-yada leh khadadka isgaadhsiinta iyo Badaha hoostooda. Haddaba inta aynaan ku sii dheeeraad macluumaadka la xidhiidha isgaadhsiinta casriga ah ee loo isticimaalo xadhkaha badaha hoostooda maray iyo loollanada ka dhex aloosan ganacasatad reer Somaliland, waxaynu wax yar wax ka iftiimin doonaa taariikh yar oo kooban oo la xidhiidha ama ku saabsan Madaweynihii hore ee dalka Tuunisiiya haddii Habib Burqiiba iyo intii uu xilka hayey waxyaabihii la soo dersay waana sidan: Madaweynihii hore ee dalka Tuunisiiya intii uu xukunka haystay wuxuu si gaara u soo dhoweystay Wasiiro ay ka mid yihiin Bahi Adqam, Hadi Nuweira, Mohamed Mazali, Rashiid Safar iyo Zein-al abidiin Bin Ali. Subaxnimo hore 7 bishii November 1987 ayaa mar keliya waxa dadka ku dhaqan dalka Tunis ay ku war heleen khudbad laga sii daayey idaacada dalka, taasoo uu jeediyey Madxweynaha xiligan Zeinal Cabdiin Bin Cali ka dib markii uu dhinac isaga leexiyey Madaxweynihii dalka Habib Burqiiba, kaasoo ay la soo gudboonatay da’ iyo caafimaad daro, waxana adilo looga dhigay ridista Madaxweynaha xil gudasho la’aan. Haddaba waxa dhici karta inay xili kasta joogaan dad leh damacyo qarsoon kuwaas oo qofka xilka hayaana ka dhigto sokeeye, la’antood aanu wax talo ah gaadhin, balse iyagu maleegaya dabino qarsoon. La soco Caddadka Danbe |