| Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Kulamo la Yeeshay Masuuliyiin sare oo Dowlada Itoobiya ah iyo safiirada ngiriiska iyo Maraykanka u Fadhiya Itoobiya
Addis Ababa (haqayonews)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulamo kala duwan kula yeeshay safiirrada dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, kulamadaa oo lagu lafa guray sidii Somaliland looga taageeri lahaa masahariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee dalka ka jira.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay magaalada Addis Ababa ka soo saaray ku-xigeenka safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, waxa wasiirku ka dalbaday diblomaasinyiinta uu la kulmay in Somaliland laga taageero horumarinta dhaqaalaha, abuuridda shaqooyinka, hagaajinta waddooyinka, biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Somaliland ee Itoobiya oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:
“Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isaga oo ku guda jira kulamadii gooni-goonida ahaa ee uu la yeelnayay diblomaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, Itoobiya ayaa maanta (shalay). Waxa wasiirka qado-sharaf ugu sameeyay Safaaradda Ingriiska, Safiirka dalka Ingriiska u fadhiya Itoobiya H.E. Norman Ling oo ay weheliyeen safiir-ku-xigeenka kowaad, John Marshal iyo safiir-ku-xigeenka labaad, Matt Woods. Kulankaas waxa aad loogu falanqeeyay xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Britain.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu ku nuuxnuux siday lagama maarmaarnka u tahay in Somaliland hesho mashaariic horumarineed si loo daboolo baahiyaha dhaqan-dhaaqaale ee ka jira dalka sida:- hurumarinta dhaqaalaha, abuurid shaqooyin, hagaajinta waddooyinka, biyaha, waxbarshada iyo caafimaadka, kuwaas oo aan la’aantood waxyaabihii u qabsoomay Somaliland sii jiri karin.
Dhinacooda safiirku wuxuu ballanqaaday inay wadi doonan, siina balaadhin doonaan kaalmadii ay siin jireen Somaliland dhinac walba.
Wasiirku waxa kale oo isla Jimcihii la kulmay safiirka waddanka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, H.E. Donald E. Booth, iyaga oo ka wada hadlay xidhiidhka labada dal siyaasadda cusub ee ku wajahan Somaliland iyo guud ahaanba arimaha gobolka sida horumarka, dimuquraadiyadda iyo nabadgelyadda.
Dhammaan kulamadaa swasiirku la yeeshay diblomaasiyiinta shisheeye waxa ku weheliyay H.E. Ayanle Salad Deria, Acting Ambassador of Somaliland Embassy waxayna ku dhamadeen guul iyo is afgarad buuxa,” ayaa lagu soo gunaanday warsaxaafadeedka.
|