|
Weftigii Ugu Cuslaa Ee Djibouti U Soo Dirto Somailand Oo Shalay Soo Gaadhay Hargeysa Si Ay Uga Qayb Galaan Xaflada Dhaarinta Madaxweynaha La Doortay
Waxay Ka Kooban Yihiin 16 Xubnood Oo Isugu Jira, Wasiiro Iyo Xildhibaano Uu Hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Faarax
Hargeisa, July 26, 2010 (Haqayonews.com)
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada Djibouti, Cali Cabdi Faarax, ayaa shalay galab ka soo Degay Madaarka Caasimada Hargeisa ee Cigaal International Airport, Weftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jira laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaankaasi.
Weftigan oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeisa ayaa Waxaa soo Dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan ka tirsan Xisbiga KULMIYE ee ku guulaystay madaxtinimada dalka oo uu hogaaminayay xoghayaha arrimaha dibada ee xisbigaasi Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Md C/Raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro), Salaadiin iyo Cuqaal reer Somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.
Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afhayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka Hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xaflada Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee shacbiga reer Somaliland soo doorteen.
Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay hanaankii wanaagsanaa ee doorashadu uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen guushii doorashada madaxtinimada Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer Somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayey natiiijadii doorashada, waxaanu intaasi raaciyay in ay ku Faraxsan yihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland ee Hargeisa.
Wasiirka Arimaha Dibada ee xukuumada xilka wareejinaysa, C/llaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhaweyn ah, Waxaanay ka warameen xidhiidhka labada dawladood ee walaaltinimada ah.
Weftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/llaahi Cumar. Weftigan ayaa Noqonaya kii ugu Cuslaa ee Dawlada Jabuuti u soo dirto Somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gala Xilwareejinta madaxweynaha xilka wareejinaya iyo madaxweynaha la doortay
HAQAYONEWS
so HAATUF |