|
Hargeysa (HAQAYONEW)- Guud ahaan shacabka Somaliland, ayaa si rasmi ah xalay ugu seexday nasasho iyo xasillooni buuxda, kadib markii ay gelinkii dambe ee shalay si nabadgelyo ah uga faraxasheen xummaddii iyo jibbadii ololaha doorahsada ee 21kii maalmood ee la soo dhaafay saddexda xisbi qaran ugu baratamayeen kasbashada dadweynaha codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada ee codbixinteeda loo dareerayo Sabtida soo socota.
Ololaha doorashada oo saddexdii toddobaad ee uu socday si weyn looga dareemay guud ahaan dalka oo tartanka taageero-urursiga ah ee xisbiyadu meel walba gaadhay, ayaa waxa nasiib u helay inuu soo gunnaanado xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo shalay isu-soo-baxyo layaab leh ka dhigay dalka oo dhan, kuwaas oo masuuliyiinta sarsare ee xisbigaasi dhammaantood kala qaybgaleen iyagoo ku socdaalayey diyaarad khaas ah.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa xalay ku dhawaaqay in ololihii doorashada Madaxtooyada si rasmi ah loo soo gebogabeeyey, kaas oo uu sheegay inuu ku dhammaaday guul.
“Waxaan daboolka ka qaadaynaa in olalihii doorashada Madaxtooyada ee furmay 3-dii bishii June isla markaana socday muddo 21 cisho ahi uu ku dhamaaday si nabad gelyo ah waxaanan u mahad celinaynaa sadexda xisbi qaran iyo dadweynaha Somaliland,”ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku wuxuu sheegay inay gudo galeen sidii agabkii doorashooyinka loo gaadhsiin lahaa goobihii codbixinta ee gobolada dalka waxaanu yidhi “Waxaanu ku gudo jirnaa hawshii doorashada waxaanu agabkii iyo hawl wadeenadii u dirnay gobolada fog fog sida Sanaag, Sool, Tog-dheer iyo Awdal waxaanu gobolkan Maroodi-jeexna ka agabkii geynaynaa saacadaha soo socda, waxaanu ku hawlan nahay hawshii qaban qaabada doorashada iyo diyaarinta agabkii doorashada.”
Ololahan oo ay ku loollamayeen saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID oo ay kala hoggaaminayaan saddexda nin ee kala ah Daahir Rayaale Kaahin oo ah madaxweyaha hadda talada haya, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali-waraabe, waxa uu ku bilaabmay jewi degan oo xasiloon oo xisbi kasta iyo taageerayaashiisu ku dhaqmeen jadwalkii iyo nidaamkii Guddiga Doorashooyinku u asteeyeen.
Muddada 21ka maalmood ee saddexda xisbi ololaha wadeen socday sawaxan, jibbo iyo qiiro fara badan oo taageerayaashoodu si weyn u muujinayeen, iyadoo xisbi kastaana yididiilo uu ka qabo inuu ku guulaysto madaxtinimada dalka marka doorashadu qabsoonto.
Si kastaba ha ahaatee, ololaha doorashada Madaxtooyada oo si rasmi ah loo soo gebogabeeyey Arbacadii shalay, waxa uu ahaa mid ku dhammaaday nabadgelyo, degnaansho iyo is-xaqdhawr axsaabta iyo taageerayaashoodaba oo runtii la odhan karo waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo ixtiraam aad u weyn oo ka maqnaa doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay.
Somaliland oo ah dal yar oo aan haysan aqoonsi caalami ah, isla markaana ku cusub yahay nidaamka dimuqraadiyadda, ayaa si weyn looga dhursugayaa oo indhaha lagu hayaa qaabka doorashadu u dhacdo iyo sida laysugu waafaqo natiijada ka soo baxda codbixinta ee kursiga madaxweynaha loogu hanneeyo saddexda murrashaxa eek u tartamaya hoggaaminta Somaliland shanata sanno ee soo fool leh, taas oo la ogaan doono toddobaadyada soo socda.
Haqayonews.com
haqayonews@hotmail.com
|